Archive for April, 2008

Warbixin:- Muqaawamada Soomaaliya… waxay Gil-Gishay Itoobiya & Maraykanka »

Waxaan idiin soo gudbinaynaa warbixin ay Shabakadda Wararka Carbeed ee Moheet.com ay ka qortay 7 bishan April Xoogaga Muqaawamada Soomaaliyeed oo iyagu mucjisooyinkoodu ay gil-gileen Itoobiya iyo maraykanka. Warbixintan ayaa Qeybteeda Koowaad ku bilaabanaysa dhacdooyinkii ugu dambeeyay ee ay muqaawamadu kula wareegeen qeybo ka mid ah Dalka

Sii akhri »

Gaari ay wateen ciidanka dowlada KMG ah oo Qarax Miino la gula beegsadey degmada X/Weyne »

Gaari ay wateen ciidanka dowlada KMG ah oo Qarax Miino la gula beegsadey degmada X/Weyne

Qarax miino oo xoogan ayaa maanta abaaro 01:00 duhurnimo ee xilliga Muqdisho waxa uu ka dhacey degmada Xamar Weyne ee magaalada Muqdisho.kaas oo lala beegsadey gaari ay wateen ciidamo ka tirsan kuwa dowlada KMG ah ee la shaqeysa gumeysiga Itoobiya.

Sii akhri »

Ciidanka gumeysiga Itoobiya oo galabta isaga guurey degmada Balcad. »

Kolonyo ciidanka gumeysiga Itoobiya oo dhawaan fariisin ka dhigtey degmada Balcad ee Gobolka Shabeelada dhexe,oo ka koobnaa 12 gaadhi, ayaa gelinkii danbe ee maanta halkaa isaga huleelay iyaga oo u dhaqaaqey dhinaca degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelada Hoose.
Sii akhri »

MA RUNBAA MA RUNBAA, WARKA RAAMA-CADDEEY »

 

Waxa tiriye: Maxamed Xirsi Guuleed 2008-04-16

Maansadan yar ee geeraarka ah waxa aan ku xusayaa goobaha dagaalka ee ay mujaahidiinta Soomaaliyeed ugu jilib dhigeen cadowyada isbahaystay ee shisheeye iyo cawaantooda ay tabcadeen ee soomaaliyeed(koobi Amxaaro). Ma soo koobin goobaha sharafta leh ee lagu macno tiray cududdii iyo xadhig-maleeggii cadowga. Habase ahaatee kama wada tegin. Wuxu yidhi:

 
Ma runbaa  ma runbaa

Warka Raama-Caddeey?

 
Ma runbaa Ballidoogle

In Rasaas laga qaatay?

 
Roobow aabu Mansuur

Raxan uu horkacaayey

Miyaa reer Xudur booqday

Diinsoor ka rigleeyey

Ku ruqaansaday Waajid?

 
Ma runbaa kalabayr

In axmaarki ku riiqday

 
Ma runbaa ma runbaa

Ma Runbaa Garasyaani

Rugta buuleburdood

Halgan reeraha yaallay

Inay gaal rawaxsheen?

 
Ma runbaa ma runbaa

Ma runbaa Dabageed

Inuu raaxo ka quustay

Baladweyne ka rooray

Kalabaydhka u rooray

Mar Tigree la rafiiqay

Yaa rabbii laga sheegay?

 
Ma runbaa ma runbaa

Xamar rawda baxaysa

Rigta Bay laga sheegay

Ramta Ceel-baraf yeedhay

Raadka yaalla cadaado

Ruxaankii Balcad gaadhay

Ama Jawhar ku raagay

 
Ma runbaa ma runbaa

Mar riyaabay ahayde

In jihaadkii rumoobay ?

 
Run qofkii laga waayo

Been ayuu ku raftaaye

Markii haatan la raystay

Cadowgiina rafaaday

Raggaa loo gacan haadshee

Loo riwaayad dhigaayo

Ma rabnee shirarkooda

Ruushka hawla tageen

 

Run qofkii laga waayo

Been ayuu ku raftaaye

Ma rijaal isbahaystoo

Rabbigood tala saartaa

Rartay saanadahooda

 
Rabbii yaa rabbiyoow

Yaa raxmaanu-raxiimoow

Rajadii umaddaasi

Raggaasay ku jirtaaye

Riddadooda hagaaji

 
Rabbii yaa rabbiyoow

Yaa raxmaanu-raxiimoow

Ruuxaddooda badbaadi

 

Rabbii yaa rabbiyoow

Yaa raxmaanu-raxiimoow

U roonoow maxastooda

 

Rabbii yaa rabbiyoow

Yaa raxmaanu-raxiimoow

U rumee niyaddooda

 
Maxamed Xirsi Guuleed

2008-04-16

abdibashir@hotmail.com

 Afeef: Aragtida maansadan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

 

Ogeysiis: Sh. Mustafa X. Ismaaciil oo muxaadarooyin si LIVE ah loola socon karo ka jeedinaya Denmark »

Waxaa dhowaan haddii Alle idmo socdaal dacwo oo qaadanayana dhowr casho kusoo maraya magaalooyinka waaweyn ee dalka Denmark Sh. Mustafa X. Ismaaciil Haaruun oo muxaadaraad iyo duruus ka jeedin doona magaalooyinkaas.
Sii akhri »

Ma U Dabaal Dagnaa Mawlidka Mise? »

بسم الله الرحمن الرحيم

Waxaa laga yaabaa in dad badani ku wareeraan is jiid jiidka Mawlidka, qaarna leeyihiin waa bidco, qaarna leeyihiin mayee waa arin qof waliba oo muslim ah ay lagama maarmaan tahay inuu ku farxo dhalashadii rasuulka Muxammad sallallaahu calayhi wasallam.

Balse walaallayaal aanu arinta si kale u eegno, annagoo isla fatashayna buugaagta taariikhda, kadiban aanu ku miisaamayno maanka iyo caqliga uu Allah swt. nagu manaysatay.

Taariikh Ahaan

Si baaritaankeenu uu u noqdo mid mira dhala waxaa haboon in aanu is weydiino su’aalahaan:

1-Nebi Muxammad Sallallaahu calayhi wasalam xaflad ma u dhigtay dhalashadiisii iyo anbiyadii ka horaysay ba’?

2-Saxaabadiisii sida: Abu Bakar, Cumar, Cusmaan iyo Cali iyo dadkii ku xigay ee wanaagsanaa sida: Abuu Xaniifa, Maalik, Shaafici iyo Axmed Ibnu Xanbal (aasaasayaashii afarta madaahib ee Fiqiga maanta caanka ah) ma u dhigeen geeridiisii kadib xaflad dhalasho?

3- Goorma ayay u bilaabatay dhigidda xaflada mawlidka.? Yaasa ugu horeeyay qof dhiga?

4-Xaflad dhigiddu ma cibaadaa oo ajar miyaa laga helayaaa mase waa bidco oo waa lagu dambaabi amase cibaado iyo ajar midna toonna maahan??
Jawaabaha:

Jawaabta su’aasha koowaad:
Culimada oo dhan (kuwa ogol mawlidka iyo kuwa diidan intaba) hadii aad su’aashaan waydiisid waxay kugu jawaabayaan MAYYA ma uusan dhigan

Jawaabta su’aasha labaad:
Culimada oo dhan (kuwa ogol mawlidka iyo kuwa diidan intaba) hadii aad su’aashaan waydiisid waxay kugu jawaabayaan MAYYA ma aysan u dhigin

Jawaabta su’aasha sadexaad:
Culimada oo dhan (kuwa ogol mawlidka iyo kuwa diidan intaba) hadii aad su’aashaan waydiisid waxay kugu jawaabayan: qoladii ugu horaysay oo xaflada mawlidka dhigta waxay ahayd dawladii Cubaydiyyada (Faadimiyiintii).

Dawladaas waxay culimada ahlu sunnada dhamaantood (macaa kuwa mawliidka iskaga soo horjeeda) isku waafaqeen in ay gaalo diinta islaamka ka baxay ahaayeen, xaflada mawlidka keliya ma aysan qaban qaabin jirin balse waxay kaloo qaban qaabin jireen xaflado kale sida dhalashadii Cali Ibn Abi Daalib, Faaduma, Xassan, Xuseen (allaah haka wada raali noqdee) iyo dhalashada ninka markaa madaxda u ahaa.

Dawladaas xarunteedu waxay ahayd Qaahira ee dalka Masar, waxayna dowladaasu jirtey 910 -1171 miilaadi

Jawaabta su’aasha afaraad:
Su’aashaas oo ahayd: Xaflad dhigiddu ma cibaadaa oo ajar miyaa laga helayaaa mase waa bidco oo waa lagu dambaabi amase cibaado iyo ajar midna toonna maahan??

Waa meesha la isku haysto, bal si su’aalo iyo jawaabo ah aanu u dhiraan dhirinno.

Culimada dhamaantood (kuwa ogol mawlidka iyo kuwa diidan intaba) waxay isku waafaqsanyihiin in Mawlidku bidco yahay, balse qaarka ogoli waxay leeyihiin waa bidco wanaagsan meesha kuwa diidanna ay leeyihiin mayee waa bidco. Bidco walibana waa lagu dembe geli sida uu yiri Nebiga sallallaahu calayhi wasallam

Bidco: Waxaa la dhahaa wax walba oo diinta lagu soo kordhiyo geeridii Rasuulka - sallallaahu calayhi wasallam – gadaasheed.
Talo iyo Gunaanad:

1-Maadaama uusan Suubanuhu - sallallaahu calayhi wasallam - uusan samayn.

2-Maadaama aysan saxaabadii suubanaha aysan samayn

3-Maadaama aysan culimada waa waynayd ee dunida islaamka soo martay sida Abuu xaniifa Maalik Shaafici Axmed aysan samayn

4-Maadaama dadka xaflada mawlidka aasaasay ay ahaayeen kuwo culimada islaamka isku waafaqay in gaalo ahaayeen.

Intaas kadib walaalayaal waxaa mudan in aanu is weydiino Su’ashaan: Mawlidka Ma U Dabaal Dagnaa Mise?? Ha noqoto su’aashaas mis caqligeena ka shaqaysiisa uuna qof walba kaga jawaabo si cadaaladi ay ku jirto, adigoonan qofna ama madrab gaar kuu ah aadnan ka hor marinayn Kitaabka Iyo Sunnada.
Sidaas iyo kala faa’ideysi wacan.

Wassalamu Calaykum wr wb

Golaha Ducaada Soomaaliyeed
Daaciga@gmail.com

Xaq Hooyo iyo mid kalaba Yaa dhowra?! »

Waxaan in badan aragnaa boorar lagu xardhay hadalo aad u quruxsan ,aadna kuu soo jiisdanaaya sida dhowrida Xuquuqda Insaan ka ,waxaanan aragnaa maalmo la lee yahay waxaa lagu maamuusaa xuquuqaha sida maalinta Hooyada maalida Xayawaanka maalinta Haweenka iyo maalmo aad u tiro badan oo la sheegaayo ula jeedada loo tilmaansaday maalmahaas in ay xaq dhowrid iyo xushmad loo haayo kuwan la tilmaansaday.
Hadaba waxaa aad ula yaab badan in hadaladaas quruxsan iyo maalmahaas la tilmaansaday iyo borarka indhaha naga cawiray aysan wax raad ah ku laheyn nolosha Caalamka manta lagu nool yahay,waayo waxaan aragnaa kuwa ku naadiya xuquuqaha dhowritaan kooda waa kuwa sida ugu ba,an ugu tunto xuquuqda insaanka hadey ahaalaheyd midii Xuquuqda ugu weyneed uguna horeysay waa Xaqa illaah iyo xaqa Rasuulka oo ah xaquuqda ugu muhiimsan ee in la dhowro ugu mudan ,oo waxaan aragnaa manta in illaah shareecadiisa lala dagaalamo iyo ehelkii shareecadii uu ka raaliga ahaa naftooda ku xakumaayay waxaana si cad loo sheegay wax xuquuq ah in aysan la heyn ayadoo la hirgalinaayo mabaadii meesha ka saareyso xaqii sharciga is laamka uu ku lahaa dhulka illaah.

Sidoo kalana xaqii Nabaiga NNKH oo meel looga dhacaa waxa uu noqday wax kaliya ee astaanta u ah xaqa Saxaafada iyo Xoriyada Saxafiga ,taasoo keentay in manta lagu tartamo aflagaadeynta Nabiga Muxamed NNKH anagoo og waxa la af lagaadeynaayo in ay tahay umadda aaminsan maxaa yeelay marka hore Rasuulka aflagaadoo waxba uma dhinto marka labaadna manta asagii ma noola ee waxa loola dan lee yahay oo lagu tumaanaayo xaqii caqiidadooda waa shucuubta muslimiinta ah ee aaminsan diinta islaamka.

Hadii aan u soo daadagano xaqa waalidka guud ahaan waxaan ognahay kuwaan maanta naadinaya Xuquuqda hooyadain ay yihiin kuwa ugu daran eek u tunta ,oo waalidka marka uu joogo wadamada reer galbeedka waxaa xaqiisii uu ku lahaa caruurtiisii lagu dayacay xatrumo xabsi oo kala ah oo waalidka geerida ku sugo ayadoo loo bixiyay xarumahaas magacyo quruxsan sida xanaanda dadka waaweyn taasoo ah marin habaabin cad oo maskaxda dadkaas lagu sameeyay iyo ku xad gudub xaqii waalidka ku lahaa caruurtiisa,taasoo badalkeedna ayadoo la muujinaayo wax uun tix galin ah in loo haayo waalidka yaa maalin sanadkii ka mid ah lagu magacaabay maalintii Hooyada markaasaa maalintaasna hooyada waxaa loo geeyaa Ubaxyo la soo baceeyay mana aragto caruurteeda sanadkii halkaas maalin wax aaan aheyn.

Hadaba soow xad gudub maaha hooyadaii maalin iyo habeenba caloosha kugu siday naaska kusoo nuujineysay saxarada kaa dhaqeysay markaad soo kortayna habeen iyo maalinba u taagneed sidii w ax aad u baran lahed caafimaadkaaga ka fekereysay in sanadkii mar xaqeeda loo ogolaado inta kalana meelo geerida lagu sugu lagu xabiso?!!.

Hadii aaan nahay umda muslinka ah waxaa xaqa waalidka noo cadeysay shareecada islaamka oo na bartay in Rabiga na abuuray raali galintiisa aan ku heleyno raali galinta waalidka oo nolo shooda shareecadu waxa ay na bartay in ay tahay albaabkii janada o noo furan geeridoodana albaabkii oo xermay,sidoo kalana si gaar ah waxaa shareecada noo bartay in Hooyada cagaheeda hoostooda laga helo janada.

Waxaa weliba intaas dheer in shareecada islaamka hooyada siisay xaq ka weyn xataa xaqa Aabaha maadaama Hooyadu sadax jeer ka dhib badan tahay Aabaha oo hooyadu waxey caruurta ku sidaa caloosha ,ka dibna waa dhashaa ka dibna waa nuujisaa sadaxdaasna mid Aabaha waxba kuma laha sidaasaana shareecadu u dheeraad siisay xuqquqda Hooyada.

Hadii aan ognahay in maanta caalamka aan wax xuquuq ah la dhowrin marqaatina aad uga dhigan karto tilmaamaha aan soo tilmaanay iyo waxa manta Caalamka ka socda ee maalin walbaba soo bandhigto warbaahinta caalamka oo xad gudubyo ah ee loo geesto haween caruur shucuub dhan iyo maxaabiista muslimiinta ah ee xabsiyada ugu jira nimankaan sanadkiiba boqolaal jeer soo ban dhiga munaasabaad iyo dabaaldagyo la lee yahay waxaa lagu maamuusaa Xuquuqda insaanka.

hadii xaalku saas yayay maxaa keenay inaan ka xishoon weyno oo angoo diinta islaamka ku abtirsaneyno daba rucleyno dad ficilkooda iyo warkooduba isqilaafsan yahay waxa ay dhibaateynayaana ay tahay umad nagu diin ah nagu jir ah xuquudoodana ku tumaanayo inaan anagana Buunbuunino beentaas aan geedka lagula gamban?!

Waxaan ugu naseexeynayaa kuwa caadada ka yeeshay ku faafinta dhaqamada qilaafsan umdeena Caqiidadooda iyo dhaqankooda ,welibana qilaafsan waxa dhabta ah ee manta ka jira dhulka umada ku nooshahay ee dhibaatada ku xad gudubka Hooyooyinka caadada laga dhigtay in ay isku xishoodaan oo u guntadaan sidii ay uga dhiidhin lahaayeen xad gudubyada lagu haayo diinta islaamka oo Rasuulkii la af la gaadeynaayo ,iyo xad gudubyada lagu haayo shacabkooda,oo aysan ku sirmin xoogaaga dhaqaalaha ee ka soo galaaya in xaflado loo dhigi oo la maamuuso

maalmaha beenta ah iyo ciidaha aan dhamaadka laheyn ee bil walbaba mis cusub jeebka lagalasoo baxaayo,waxaannan leeyay waxaan aad faafineysaan waa wax ay ku weneyn jireen Giriigii mushrukiinta ahaa ahaa iyo Roomaankii illaah yadii ay caabudi jireen ka dibna waxaa soo nooleeyay Mareykanka Gobolo ka mid ah ilaa markii dambe Qaarada Ameerka oo dhan lagaga dayday ka dibna Shiinaha iyo Ruushka iyo wadamo badan ilaa laga soo gaaray sanadkii 1956 21maarso taasoo kuwo dhuuni qaatayaal ah oo u dhashay wadanka Masar bilaabeen u dabaaldaga Maalinta lagu sheegay maalinta Hooyada taasoo keentay in ay u soo gudubto Dadkii muslimiinta ahaa dhulkii ay dagaanaayeen.

waxaa soo diyaariyay cali nuur xoogsade
calixoogsade@hotmail.com

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga magaciisu ku xusan yahay

Xusuus qor (Q 2-aad) »

Xidhiidhka diineed ee u dhexeeya kirishtaanka Xabashida iyo kirishtaanka reer Yurub (Maraykanku wuu ku jiraa) ee aan qeybtii hore ku bilownay ayaan qeybtanna wali sii qaadaa dhigaynaa si aan u fahanno loolanka Muslimiinta geeska Afrika ay ku jiraan baaxaddiisa xaqiiqada ah.
Dadka taariikhda darsay waxay yaqaanaan ninkii la odhan jiray Vasco De Gama oo buugta qaarkeed ay usoo bandhigaan inuu ahaa badmareen Bortaqiis ah helay tariiqa loo bixiyay “Cape of good hope” oo ah inuu Afrika la soo wareegay kadibna uu gaadhay Hindiya. Laakiin, xaqiiqada socdaalka Vasco waxay ahayd mid ku salaysan inuu wadda uu u maro u helo boqor kirishtaanka ah oo lagu magacaabo Yohanna oo ay reer Yurub aaminsanayeen inuu yahay boqorka Xabashida. Sababta keentay inuu dhinaca koonfureed ee Afrika kasoo wareegana waxay ahayd Muslimiinta ayaa awood ku lahaa dhinaca badda Cad (Mediterranean Sea). Vasco wuxuu soo xambaaray fariin uu kasoo qaaday boqortooyadii Boortaqiiskrabay oo uu u gudbinayo boqorkaas Kirishtaanka ah ee Xabashida, fariintaas oo nuxurkeedu ahaa inay iska kaashadaan la dagaalanka Muslimiinta iyadoo waliba xilligaas ay socdeen dagaaladii Saliibiyiintu ay kusoo qaadeen ummadda Muslimka ah. Marka, Vasco wuxuu ka lumay dariiqii iyadoo waagaas la adeegsan jiray doonyaha shireeca ah ee dabaysha ku shaqeeya wuxuuna ugu dambaystii tagay xeebaha Hindiya.

Kirishtaanka Xabashidu door weyn ayay ku lahaayeen dagaalkii saliibiyiinta ee hore (sida ay duulaanka Saliibiyada ee hadda ugu lugleeyihiin) waxaana jiray iskaashi milateri iyo istraatijiyadeed oo ka dhexeeyay iyaga iyo Saliibiyiintii reer Yurub ee duulaanka kusoo qaaday dhulalkii Muslimiinta. Waxaa jiray safaarado iyo wufuud ay isdhaafsan jireen labada dhinac. Mararka qaar waxaa dhici jirtay inay ku heshiiyaan in weerar midaysan ay kusoo qaadaan Muslimiinta. Tusaale ahaan waxaa dhacday mar inay Saliibiyiintii Xabashida iyo Saliibiyiintii reer Yurub inay ku heshiiyeen inay dagaal wadajir ah ku qaadaan dawladdii Islaamka ee Mamaaliikta ee Masar xukumaysay iyadoo Saliibiyiinta Xabashida loo xilsaaray inay dhinaca koonfureed ee Masar ay dagaalka kasoo qaadaan islamarkaana Saliibiyiinta reer Yurub ay dagaal kaga soo qaadaan dhinaca badda gaar ahaan xeebta magaalada Aleksandariya, hase ahaatee qorshahaas wuu dhicisoobay kadib markay Muslimiintu jabiyeen Saliibiyiintii xagga xeebta weerarka kasoo qaaday.
Waxaa jiray qorshayaal iyo shirqoollo ay labada dhinaca kawada shaqaynayeen sida in biyaha wabiga Niil laga gooyo dadka Muslimiinta ah ee Masar ku nool. ( waa qorshe hadda laf ahaanteeda jira oo Masar lagu cadaadiyo).

Intaas oo dhan waxaa kuu sii dheer markii Imaamkii mujaahidka ahaa ee Axmed Gurey uu ka adkaaday kirishtaankii Xabashida waxaa islamarkiiba gurmad u soo fidiyay kirishtaankii reer Yurub oo markaa ay calanka u sideen Boortaqiisku, (sida maanta Maraykanku u sido calanka Saliibiyadda), waliba ciidankii Boortaqiiska ahaa ee Imaam Axmed Gurey la dagaalamay waxaa hogaaminayay Kiristoofar De Gama oo ay qaraabo dhaw ahaayeen Vasco De Gama ee aan horey u soo sheegnay.

Markii ay kirishtaankii reer Yurub ay isku balaadhiyeen dhulalkii Muslimiinta qarniyadii 18aad iyo 19aad, kirishtaanka Xabashida si gaar ah ayay ula dhaqmeen mana kamid noqonin waddamadii ay qabsadeen. Waxaana xusid mudan in calaaqaadkaa u dhexeeya labad dhinac ay lama huraan u yihiin Kirishtaanka Xabashida oo iyagu markasta ku nool xidhiidhkaas ku salaysan diinta oo lagu tilmaamo inuu yahay ‘xididka nolosha ee Xabashida’ sida uu sheegay Zaahir Riyaadh oo ah qoraa Kirishtaan Qibdi ah oo aad wax uga qora kirishtaanka Xabashida kalgacal gooni ahna u haya
Taariikhdaas kooban ee aan dul maray waxaan uga jeedaa inaan si hoose u fahanno xaaladda Muslimiinta geeska Afrika guud ahaan iyo midda Soomaalida gaar ahaan. Waxaad taariikhdaas ka baranaysaa markasta oo Kirishtaanka reer yurub ay awood yeeshaan Muslimiintana ay dagaal kusoo qaadaan, Kirishtaanka Xabashiduna way kala qeyb qaataan dagaalkaas iyo ololahaas Saliibiyadda iyagoo ka faa’iidaysanaya awoodda iyo xoogga walaalahooda diinta ay wadaagaan iyo waliba naas nuujin gaar ah ay ka helaan.

Haddii aan tusaale cad ku siiyo, goorma ayay qabsatay Xabashidu dhulka Muslimiinta ay hasysato laga soo bilaabo Walo, Shawa, Sidamo, Harar, iyo Soomaaligalbeed? Jawaabtu waxaa weeyaan markii kirishtaanka reer Yurub ay awoodda heleen ee ay dhulkii Muslimiinta qabsadeen qarniyaddii 18-19. Haddaba, maanta markii ay Xabashidu isku soo balaadhisay dhulkii Muslimiinta macnaheedu waxaa weeye ololaha Sallibiyadda ee Muslimiinta ka dhanka ah ee dhulal badan ay ku duuleen sida Falastiin ,Ciraaq iyo Afghaanistaan ayuu barbar socdaa, wuxuuna la mid yahay duulaamaddii hore.

Gabagabadii, waxaa muuqata inaan galnay marxallad adag oo aan la wadaagno ummadda Muslimiinta ah guud ahaan, laakiin su’aasho waxay tahay intee in le’eg ayaan fahamsannahay xaaladaha inagu xeeran haddii aan nahay Muslimiinta Soomaalida ah oo la filayay inay hormuud u noqdaan Muslimiinta kale ee Geeska, Bariga, Badhtamaha iyo Koonfurta Afrika?!.

Axmed C. Aadam
hawadiye@yahoo.com
AFEEF: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga magaciisu ku xusan yahay

DHagarta Gaalada iyo DHoohanaantenna (Q-2aad) »

KAALINTII YAHUUDDA EE BURBURKII SOMALIYA
Waxaa laga yaabaa in cinwaankani dad badan fajac ku noqdo,maxaa wacay soomali badan yahuuduba aagga ugama dhowa, oo markuu dhagahooda ku soo dhacoba waxaa maskaxdooda ku soo degdegi kuwoodii hore ee qur’aanka Alle lagaga warramay,ama kuwa Falastiin xoogay ee carabtu is-hayaan.arrintuse sidaa way ka fog tahay ee yahuuddu qayb libaax ayey ka qaadatay hirgalinta qorshihii somaliya loo degay ee ahaa in la isir-suuliyo, qarankoodiina laga masoxo khariidada geeska Afrika . waxaa se kaalinteeda qariyay iyadoo ku shaqaysata siyaabo kala jaadjaad ah oo dahsoon,dabcina umaba aha in ay is-muujiso oo shirqoolladeeda si badheedh ah u fuliso.
Midda kale, markaynnu ka hadlaynno hagardaamooyinka iyo dagaallada soomaliya lagula kacay, waxaa habboon in aynu maanka ku haynno in waxa dhibka geystay ay yihiin sadex qolo oo danahoodu si baas isugu dhafan yihiin.kuwaas oo ah: kirishtaanka ,yahuudda iyo shirkadaha shidaalka ee reer galbeedka. inkasta oo cidda goobta dagaalka ka muuqata ay yihiin quwadaha kirishtaanka .oo iyagu laftooda isku taxluujiya in ay is qariyaan, colaadohoodana aan loo arag mid diin ku salaysan. waxaanan halkan kaga hadlaynaa doorkii yahuudu cayaartay . marka aynnu ka hadalnno kooxaha faraha kula jira waxa soomaliya ka dhacaya , waxaa inoo soo ifbaxaya sida arrinta soomalidu u culus tahay oo ay gacmaha ugula jiraan quwado aanba meesha laga filaynnin , taasoo ku tusaysa baqdinta ummaddan laga qabo iyo ahmiyadda ay leedahay mandiqadan ay deggan tahay. Bal isha la raac raac goobaha arrimaha soomaliya lagu falanqeeyo, immisa dawladood oo la is oran lahaa haba yaraatee iyaga iyo soomaali wax xiriir ah oo ka dhexeeya ma jiro, haddana arrimaheeda faraha kula jira, bal eeg dalalka loo bixiyay (kooxda xiriirka caalamiga ah ee soomaaliya) ee gooya go’aannada somaliya laga qaadanayo, dalal kaas maxaa Somali ka khuseeya haddaan ka reebno Maraykanka oo qorsheyaal gaar ah wata. taasina waxay ina tusaysaa sida cirib tirka ummaddan la isugu qaylo dhaansaday, ayna barbar taallo sida aynnan u dareen sanayn qiimaha ay leedahay ummaddan iyo cabsida laga qabo .

SOOYAALKA YAHUUDDA IYO DABEECADAHOODA

Haddaba ,inta aynnan u gelin falanqaynta kaalintiii yahuuda waxaa habboon In aynnu war bixin iska siinno ummaddan, ujeedooyinkeeda iyo sababta ay Somali waxayeellaynta heerkaas gaarsiisan ugula kacday.Yahuuddu waa ummadda ugu badan ee sooyaal keedu qur’ aanku ka warramay, taana waxaa ugu wacan iyadoo baal madow oo foolxun ku yeelatay taa- riikhda dadyawgii Alle diintiisa u doortay . waa ummad ay nacalad Alle ku dhacday ,nebiyadoodiina habaareen ,markii dakanooyinkoodii ay bateenana Alle ku ciqaabay in qarannimo laga dhaariyo ,oo iyagoo dullaysan dacallada adduunka lagu kala firdhiyo, meel kasta oo ay joogaanna la dullaysto oo madaxa laga kawiyo. Waa ummad shar ,fidno,dhaqan xumo,iyo wax fasaadin u go’day. Oo xirribo iyo xeelado aan la malayn karin u leh mu’aamarooyinka iyo shirqoollada bulshooyin iska nabad qaba lagu gubo . waa dad cunsiriyiin ah oo islaweyn, aadanaha kalena aan waxba u aqoonsaneyn,qab dartiina aan garanayn dhul iyo cir midka ay joogaan. Tilmaamahaas xunxun ee ay kulansadeen waxay badeen in la necbaysto oo lagu takooro xeryo u gaar ah oo loo aqoon jiray (gheto), marar badanna dhaqan xumadooda darted dadyowgii ay ku dhex noolaayeen, waxay dantu ku kalliftey in ay ku kacaan oo gummaadaan, taasoo keentay in maalinba dal laga qixiyo.

Haddaba, markii ay noqotay ummad kheyr iyo wanaag loogu caalwaayey, oo belaayo oogid u dhar dhigatay, ayay xikmadda Alle waxay keentey in arrimahooda si faahfaahsan loogaga warramo qur’aanka. Si muslimiinta oo ah ummadda loogu talo galay in ay noqoto Booliska adduunka kala dagaallama fasaadka ay uga foojignaadaan yuhuudda sifooyink kor ku xusan leh.

Waa run oo quraanka ALLe wuxuu inoo sheegay in waagii hore yuhuudda uu ka doortay ummadihii jiray, laakiin markii ay kibreen, abaaldarreeyeen, diintoodii lagu sharfayna baalmareen, ambiyadoodiina ka dhigeen qaar ay diideen iyo kuwa ay laayeen, yaa ilaahay lacnaday oo ilaa qiyaamaha darxumo iyo dulli guudka ka saaray.

Hase yeeshee, doqonnimadooda, doorashadii diinta ku salaysnayd ayay u qaateen in ay ahayd mid ku dhisan cunsurka iyo sinjiga ay kasoo jeedaan kaa soo ah in ay yihiin dhashii nebi Yacquub (Israaiil)- Naxariis iyo nabadgelyo Allaha siiyee-.

Taasna waxay gayeysiisay in ay isu arkaan in ay yihiin dhashii Eebbe, loona doortay in ay hoggaanka adduunka iyaga uun leeyihiin oo looga dambeeyo. Waxaa ka sii daran oo ay qabaan in dadyowga kale loo abuuray inay iyaga uun u adeegaan, oo sida dameeraha u rartaan.
Maadaama aysan heysan diin sax ah oo ay adduunka ku hoggaamiyaanna, waxay ula muuqatey tubta ay talada ku hanankaraan in ay tahay laba dariiqo:

1) In dhaqaalaha adduunka ay gacanta ku dhigaan, wadiiqo kasta oo arrinkaas lagu gaarayana la adeegsado, iyadoo aan dan laga galayn cid kasta oo ku waxyeellowda. Taasina waxay sababtay in colaado badan oo aduunka dacalladiisa ka dhacay ay iyagu huriyeen si ay muraadkaa u gaaraan. Marka wax lala yaabo ma aha haddii la sheego in maal badan oo adduunka yaalla ay iyagu leeyihiin. dowlado badanna ay ku gumaystaan oo sanka uga duran yihiin.

2) In aadanaha Rabbigood laga fogeeyo, oo dhaqan xumo iyo diin la’aan loo horseedo, si ay u noqdaan kuwo ka liita xaya waanka oo aan lahayn karti iyo dadnimo ay isaga celiyaan hadimooyinka yuhuuddu ku waddo.
Hadalkaana runnimadiisa waxaa marag u ah in dadyowga faafiyey ilxaadka iyo fikaradaha xambaarsan baabi’ inta akhlaada iyo anshaxa ay yihiin iyaga.

Labadaa arimood oo ilaa heer ay ku guulaysteen waxaa saamaynteeda laga arki karaa sida dadyowga adduunka iyo quwadaha waaweyn uga goojiyaan yuhuudda,raalli galinteeda iyo u adeegiddeeda ugu kala tartamaan.

Inkasta oo ururradooda qarsoodiga ah ay muddo ka shaqaynayeen ka yool gaaridda hadafkooda kor ku xusan, haddana waxay si dhab ah u billaabatay dhammaadkii qarnigii 18aad, markii ay hirgaliyeen waxa taariikhda la khalday looga yaqaan kacaankii Faransiiska, oo ahaa kacdoon gun iyo baarba ay ka dambeeyeen ururkooda qarsoodiga ah ee maasuunyada.

Kolkay Faransa gacanta ku dhigeenna waxay billaabeen In yurub oo idil ay colaado iyo qalalaase ka abuuraan si ay talada oo dhan gacanta ugu dhigaan,taasina waxay keentay in maanta madaxda yurub iyo waxa hoos taga badankood ay yuhuud yihiin, isla markaana dhaqaalaha aduunka ay hanteen.

Hababka ugu badan ee hantidaas ay ku heleena waa dagaalladii ay ka dhex oogayeen qoomityadihii reer yurubka .

Haddaba iyaga oo reer yurub ka dhigtay cagaftii ay ku jabinayeen darbi kasta oo adag, waxaa yuhuudda ilaa xad u hirgalay himiladoodii ay ku taami jireen oo ahayd in mar uun dawlad iyagu leeyihiin ay xukunto adduunka, taasoo ah waxa maanta loo yaqaan: (Ururka Quruumaha Midoobay),taas oo ah dowladdii dowladaha adduunka, dalalka kalena ay yihiin gobollo, madaxdooduna guddoomiyayaal. ururkaas oo sal iyo baarba ah urur yuhuudeed. Waxa ugu weyn ee loo dhisayna ay tahay hirgalinta ujeeddooyinkooda, ayna ugu muhiim santahay:

a)Dib usoo noolaynta iyo dhidibba u taagidda boqortooyadii reer Banii israaiil oo ku dherersan inta u dhaxaysa labada webi ee Niil iyo Furaat.
b) In kor iyo hoosba la dhowro baal gorayona loo xiro cunsurka yuhuudiga ah meel kasta oo uu aduunka ka joogo.
c) In la fududeeyo tabaha yuhuuddu ku taabi lahayd dhaqaalaha adduunka.
d) In la baabi’yo wax kasta oo dadka aan iyaga ahayn ku heli karaan awood ,mid maaddi iyo mid macnawiba.

Haddii arrimaha sidaa loo fahmo waxaa mesha ka baxaya la yaabka ah in iyagoo ah dadka adduunka ugu fulaysan uguna liita oo ugu maal jecel, sida ay ummadaha adduunka ay u gumaystaan, isla markaana madaxda adduunku ay saf ugu galaan xarunta madaxtooyadooda ee N.Y. .

Akhristuhu yuu is dhihin awoodda aad siisay yuhuuda armay ka badbadis tahay,laakiin ma aha ee waa xaqiiqo ,oo yuhuuddu maanta waxaay joogaan heer aysan weligood ku riyoon in ay gaarayaan,waayo sankaa looga wada mudan yahay,hana moodin marka yuhuud la sheegayo in loo jeedo dhowrka malyan ee falastiiin haysta ee waa ragga maal qabeennada ah ee yurub iyo Ameerika deggan ee addunka ku amar ku taagleeya.

Taana waxaa marag u ah in cidda maanta qaska ugu badan adduunka ka wadda ay yihiin kooxda hadda ka talisa USA ee loo yaqaan qunyar socodka cusub oo uu horboodayo yuhuudiga Dig-shiini oo matalaya ururka yuhuudda caalamiga.Wax lala yaabana ma aha in ay say doonaan wax u gubaan maadaama aanay jirin cid iska celisa, waxaa ayna la mid yihiin budhcad hubeysan oo wax iska dhiciya wayday soo arlada kharribi mayso? waxay doontona samayn mayso?.
Qur’aankaana lagu sheegay in yuhuud ilaahay ku xukumay dulllinimo abadi ah.waxayna ka badbaadi karaan uun haddii ay islaamaan ama ummadaha kale ay diinta Alle ka fogaadaan, taasoo keenaysa in ay madaxa la kacaan, shirqooladooduna fulaan, dad yowga kalena ay dulleystaan.

Sidoo kale waxaa suuratul-israa ilaahay ku sheegay in reer banii israaiil horey loogu wargeliyey in addunka ay laba jeer fasaadin doonaan(Aaya 4), culimada qaarkoodna kadib markay arkeen siday adduunka muslim iyo gaalba sanka u haystaan oo ay arlada u fasaadiyaan ayaa waxay tilmaameen in marka labaad ee aayaddu sheegayso ay maanta tahay.

Waxaa haddaba ina hor imaanaya su’aasha ah:-Haddiiba adduunka saa u maamulaan maxay uga baahan yihiin dib usoo noolaynta boqortooyada ay doonayaan? Jawaabtuna waxay tahay: sidaan soo sheegnay badanaa hantida yurub, Ameerika, iyo dalal kale oo badan taalla iyaga ayaa iska leh siday doonaanba ha ku soo gashee. Kurbada ugu weyn ee ku taaganna waa iyagoo hantida baaxaddaas ah leh, awoodda xukun ee aan soo sheegnayna haysta yay isu arkaan in aysan lahayn qaran , shacab urursan iyo ciidan ilaaliya oo kood ah.

Taasoo muujinaysa in ay magan u yihiin ummado iyo dowlado ay wax badan soo ciileen, colaad iyo nacayb ba’anna u qaba, goor ay noqotobana lagu gadoodi doono, hilbohoodana la karsan doono.

Arritaasina waxay waxgaradkoodii ku bixisay in intay goori goor tahay lagu dadaalo dhisidda qaran kulmiya yuhuudda dacallada aduunka ku kala firirsan oo lagu qiyaaso ilaa 20 malyan, kadibna hantidooda la isugu geeyo dhulkaas ay dowladdooda ka yagleelayaan, ciidan ay leeyihiinna uu difaaco.Hirgalinta mashruucaasna wuxuu keensanayaa:-

a) In dalalka carbeed ee dariska la noqon doona dowladdaas la burburiyo, awooddoodana la wiiqo, lagana soo reebo imaarado yaryar oo ka kooban kirishtaan,shiico, duruus iyo nusayriyiin. Kuwa sunniga ahna la kala kit kitfo oo Masar, Sucuudiga, iyo Ciraaqba min saddex dal loo qaybiyo, lagana dhigo dowlado yar yar oo tabar iyo taag toona lahayn, iyaaga dhexdoodana la isku xuuxiyo.

b)In cagta la mariyo waxkasta oo caqabad ku noqon doona hirgalinta qorshahaas.Haddaba somaalida qodabkan ayaa qabanaya. oo cuqaasha yahuuddu waxay u arkaan in jiritaanka iyo ganacsiga dawladdoodaas uu hal bawle u yahay marin biyoodka Babul-mandab, ayna halis kaga iman karto soomaalida muslimka ah ee dhankasta ka midaysan sidii la doonayayna u cabiidsami wayday ee mandiqadan istiraatijiga ah deggan .

Go’aanka cuqaashoodu wuxuu marka dhaafi waayay in soomaaliya dhagta dhiigga loo daro. sidaas bayna wax yaalihii soomaali qabsaday kaalintooda ugu weyn ugu lahaayeen.

Iyagoo adeegsanaya hay’ado kala duduwanna hubeeyay jabhadihii Somaliya lagu wiiqay,basaasiintooda Mosaadkana si kasta dalka u dhex mushaaxa, qaatana qaybta ugu wayn ee ugaarsiga iyo cirbtirka culimada iyo la dagaallanka dhaq dhaqaaqyada islaamiga ah, iyagoo adeegsanaya calooshood u shaqaystayaal Somali ah. sidoo kale iyaga ayaa Itoobiya wax ka soo hubeeyay oo xataa hubka BMka casriga ah ee muqdisho lagu xasuuqay keenay, kuwa ku dagaallamayana Tel-aviv ku soo tababaray.
Kaalintii shirkadaha shidaallada

Markii dagaalkii labaad ee dunida uu dhammaaday .Maraykanku wuxuu dalalkii yurub siiyay dhaqaale badan,si ay uga soo kabtaan burrburkii dagaalka ka soo gaaray, kaasoo lagu magacaabijiray ( mashruucii Marshal).

Haddaba Talyaaniga oo koonfurta soomaaliya loo fasaxay in uu dib u gumaysto ,ayaa si uu wax uga helo dhaqaalahaas , wuxuu Mareykanka ku sasabtay in shirkadihiisa uu u fasaxayo in ay soomaaliya shidaallo ka baartaan.

Kuwaas oo howshooda qandaraas ku siiyay shirkad Maraykan ah oo loo yaqaan Sinkaleyr. taasoo soomaaliya dacalkasta baaritaan kaga sameysay .baaritaanadaasna waxaa lagu ogaaday in soomaaliya ay dhex ceegaagaan shidaallo aan la qiyaasi Karin . intaa wixii ka dambeeyayna shirkadaha Maraykanka iyaga ayaa soomaaliya isa siiyay .

Waana in la ogaado in shirkadaha shadaallada ee reer yurubka ahi ay leeyihiin awood dhaqaale oo ballaaran, kaasoo ay ku hagaan siyaasadaha waddammo badan oo dunidda ka tirsan, dad -yowgoodana dhulalka ay deggan yihiin iska xijisiiya , Markay doonaanna dejiya ,kolkay u bogi waayaanna salkiciya,sida ay dadyow badan ay ku sameeyaan.

Marka ha cusleysan in shirkadaha shidaalladu door weyn ku leeyihiin waxa soomaliya ka dhacay ee ilaa hadda kasocda .

Kuwa soomaliya salkiciyay ee madaxeedii minjo u rogay waa shirkadihii maamulkii hore ee soomaliya ka helay qandaraasyo shidaal soo saaris ah ,ayna ugu muhiimsanaayeen Konoko iyo Shefron . oo iyagoo ay ujeeddada ka mideysan yihiin kooxihii kirishtada iyo yahuudda ayay si dahsoon ugu hawlgaleen burburinta soomaaliya ,waxayna dhaqaalo badan u hureen jabhadihii soomaali lagu halaagay,shirarkii ummadda lagu maaweelinayeyna maalgaliyay .Markii arrinta soomaliya la bisleeyayna inta Itoobiya soo hubeyeen oo dhaqaalo siiyeen ayay ku garab joogsadeen in ay soomaliya qabsato .

Shirkadahan qorshohoodii ugu dambeeyay waxay billaabeen markii wakiilkii Konoko soomaaliya u fadhiyay uu 1989kii la kulmay madaxweynihii soomaliya , uuna hordhigay qorshe ay Konoko wadatay oo ahaa in gobollada Bari ay ka soo saarto shidaal, muddo labaatan sano ku simmanna wixii la soo saaro ay shirkaddu yeelato, dawladduna aanay saami ku yeelanayn. xataa khabiir dowladda kasocda aanu tagi karin rugaha shidaalka laga qodayo.

laakin Maxamed Siyaad inta warqaddii wakiilka ku xooray ayuu yiri :soomaliya Somali baa iskal eh ee Konoko kama amar ku taagleyn karto.

Isagiina isla goobtii ayuu ku hanjabay, shirkaddiisiina kaga dhabaysay. Xogaha jirana waxaa ka mid ah in inta badan waxyaalihii qaran jabka ka hor ka dhici jiray Muqdisho ee ahaa qaraxyo iyo khaarijinta saraakiishii ciidamadda iyo abaabuliddii dhallintii(Ciyaal-Faay-Cali) iwm. Ay ka dambeeyeen dad shirkaddaas maal geliso.Waxaanan hilmaamaynin qiso nin saaxiibkay ah ii sheegay oo ahayd: in nin ay isku dheer yihiin ay burburkii ka hor nin jarmal ah isku hay’ad ka shaqayn jireen.

Markii xaaladdii Somaliya meel xun maraysay ayuu waydiiyay bal in uu garanayo cidda waxa socda ka dambaysa,wuxuuna usheegay inuusan garanayn. Markii la qaxay ayay dalka Kenya ku kulmeen, saa isla su’aashii ayuu waydiiyay,wuxuuna ugu jawaabay: ka fekeray Konokose dhaafin waayay.Ninkii jarmalka ahaa inta qoslay ayuu yiri:hadda ayaad heshay.

Qisadan waxaan marag uga dhiganayaa anigoo og ugu yaraan dhowr iyo afartan hay’adood oo Soomaliya ka hawl geli jiray in shaqooyinkooda ugu badan ay ahaayeen basaasnimo,mid walbana ay ogayd waxa dalka ka socday,cidda wadday iyo iyaga laftooda shaqooyinkooda. sidoo kale, markii 1993kii xarakadii Itixaadku qarka u fuushay in ay gacanta ku dhigto gobollada Bari iyo Nugaal, waa tii Konoko iyo walaaleheed(the seven sisters) ay soo kiciyeen Maraykanka iyo huwantiisii xambaarsanaa magaca waxa loo yaqaan U.Nta, oo isku qarinayay kaalmo bini-aadannimo in ay u socdaan. se ujeeddada dhabta ahi ay ahayd in laga hor tago islaamiyiinta cabsida laga qabay.

Allana waxba kuma aha in uu ka hadalsiiyo dad badan oo xogihii Konoko iyo walaaleheedba haya .

BOOBKA IYO BILILIQAYSIGA UMMADDA

Waxaynu ka soo hadallay kooxaha sida jaan isugu dhafan ee Somali silacan baday, qorshihii ay qarannimadooda ku baabi’iyeen, tabihii ay isticmaaleen iyo cidda ay noo adeegsadeen. laakiin, waxa dadka as qaxar iyo hoog la marshay waxaa ka darrnaaday oo barbar socday boobka iyo bililiqaysiga lagula kacay.

waxaana laga yaabaa in dadka qaarkii yiraahdo:maxaay yihiin dadka la bililiqaysanayo, ma xoolaa?!c ciddii dhug lehi ha ogaato in ummaddeennii gaalo ujeeddooyin qarsoon leh ay daabulatay, oo meel daran u dalwisatay, mar haddii qaran iyo qareen u hadlayah aanu jirinna, waxa dadkeenna lagula kacay waa bililiqaysi kii ugu fool xumaa.

iyadoo dalkoodii jaxiimo looga dhigay, dhan kastana dab looga shiday, noloshiina cidhiidhi laga geliyay, ayaa dalalka deriska ah looga furay xeryo qaxar iyo dullinimmo lagu baray, loon diyaarshay ururro dad qalato ah oo masiibooyinka ummadaha ka dullaala oo loo baxshay ururro samafaleed, kuwaas oo badankood ka shaqeeya sidii dadka debedaha iyo carro gaalo loo gu daldalilahaa, iyadoo lagu qaadayo kafaalo kaniisadeed, danta la watona ay tahay:

a) In la bahdilo oo la karaamo tiro, lagana dhigo qaxooti baryo iyo gacan hoorsi ku nool.
b) In dhulkooda laga faaruqiyo lagana fogeeyo, si loo dhaxal wareejiyo oo loo xaqiijiyo ujeeddooyinka fogfog ee loo dan leeyahay.
c) In iyaga iyo ubadkooda dambeba diinta laga halleeyo oo lagaaleeyo.

waxaa itaa barbar socda iyadoo dalalka deriska la siiyay baaq hoose oo ah in Somalida la siiyo warqadaha aqoonsiga iyo baasaboorro, loona oggolaado in ay dhulalkooda ka shaqaystaan, si aysan somaliya unoqon. isla markaan dalalka fogfog ee loo qaadayo sida yurub iwm.lagula taliyay in ay u fududeeyaan helidda sharciyada.

waxa loo jeedo ee la rabo in la daldalo ma’aha oo keliya kuwa ku jira xeryaha qaxootiyada, ee waxaa la damacsan yahay in 80% inta gudaha ku hadhay la soo qixiyo,iyadoo tabo baas oo aan la dareemayn la adeegsanayo.ayna ugu weyn tahay in dagaallo sanka isku haya dhan walba lagaga huriyo. Markay xabbadda u caalwaayaanna, inta nin walba ubadkiisa gacanta ku soo dhago yiraahdo: belo ku degtay meel maahee i dhaafi ! qorshaha sal kicinta iyo qaxinta waxaa kale oo loogu talo galay kuwa Somali- galbeed deggan.

Inta badanna dadka la daabulayo waa dad caamo ah oo diintooda aan aqoon u lahayn, ha noqdeen haween, carruur, ama rag waaweyn, kuwaas oo ay fududahay in la dhalan rogo. waxaana nasiib darro ah in dadkaas abley lagu googooyay iyagoo faraxsan oo qoslaya. oo markii dhulkoodii dacar looga dhigay ayaa arlo gaalo iyo meelaha daran ee loo wato loo qurxiyay, oo kii loo qaadayaba u haysto in uu jannadii fardawsa helay.. waxaa yaab ah in dadka yurub iyo waxa soo raaca u qulqulaya aysan ahayn oo keliya dadka degaannadooda lagu holciyay, se waxaa socda kuwii gobolladoodu xasiloonaayeen.

Kaba sii darane, waxaa yaacay tiro badan oo muddo ka shaqeysan jiray dalalka afrika iyo carabaha, si kastana u ladnaa. bal waxaa jira dad tobaneeyo kun oo doollar ku bixiyay si ay meelahaas daran u galaan.

Runtiina waa nolol madaxeedii minjo loo rogay, waa ummad caqligii laga xaday oo maskaxdeedii rumay lagu dhuuqay. maxaa lagu fasiri karaa qof tobaneeyo kun oo dollar yurub ku galay, si uu lacag cayreed ugu noolaado.?!

Dadyawgaa lagu uruurshay xeryaha qaxarka iyo qaxootiga ee loogu talo galay in la raro, si loo jeclaysiiyo meelaha loo wato, waxaa malin walba lagu xiiso geliyaa wax lagu hiyi kacsho, iyagoo lagu leeyahay: maanta ashraaf baa la qaadi. berri boon baa la daldali. saa dambena baantuu baa la uruurin. saakuunna curyaammada ayaa fayl loo furi. bisha dambana garoobyada ayaa la rari.iyadoo dadkii maalinba qolada la magacaabo ku yaacaya oo sheeganaya. heer dadkii la gaarsiiyay in la yidhaahdo: haweenka la kufsaday iyo gabdhaha aan lagudin hadal la’aan baa la dhoofin. oo rag badan ku doodeen in xaasas koodii la kufsday, kuwa kalena gabdhahoodii gaalo hor fadhiisiyeen si loo arko in aanay gudnayn, in kalena ka shallaayeen gudista gabdhahooda.
Bal calool xumadaa fiiri, iyo sida dadkan loo dullaynayo.! oo dadkan wayba iska kaxaysayaane, maxay u sii bah dilayaan?! markay gudaha Kenya geeyaanna kaniisadaha ugu xaraynayaan?! Anigu waxay ila tahay: in loola dan leeyahay in dadkan la qabjebiyo, dareen koodana laga masaxo didmada diineed ee ay ka qabaan kaniisadda iyo gaalnimada.

Bal belaayada taagan, qorshaha la wado waxaa ku jira in la qaado dhallinta da’yarta ah iyadoo lagu shardinayo in aysan shan iyo toban sano gaarin oo aanu waalid la soconnin.
Yaa diidi kara in waxaas oo idil ay yihiin shirqool ciribtir iyo isir suulin ummaddan loogu talo galay.?midna aynnu maanka ku haynno, taas oo ah : hay’adaha dadka raraya iyo kuwa qandaraaska ku siiyeyba ma ay laha waddammada ay dadka u qaadayaan, ee waxay uun ka faa’idaysanayaan qawaaniinta dalalkaas u yaalla iyo xeerarka waxa loo yaqaano UN-ta.

Dadkaasina marka dhulalkaas qaxootinnimmada loo geeyo waxaa lagala hortagaa karahsi , quudhsi, marar bandanna dil iyo iyagoo lagu khasbo in ay ku milmaan dadyawga ay u tageen, ayna si buuxda ugu dhaqmaan qawaaniinta dalalka la geeyay, taas oo natijadeedu tahay in ay nasakhmaan oo si tartiib-tartiib ah diintooda uga baxaan.

waxaana laga wada dheregsan yahay dad badan oo gaalo ah oo maanta yurub iwm. ku nool in awoowyaashood ay muslimiin ahaan jireen. Nin aan ku kalsoonahayna wuxuu ii sheegay in Australya uu ku arkay oday waayeel ah oo reer Afqaan ah, wuxuuna u sheegay in ka joogo boqol kun oo qoys oo horraantii qarnigii hore uu Ingiriisku Australiya keenay, kaddib markii ay qaateen dhaqammadii gaalada oo ay ku dhax milmeen ay gaaloobeen .

dad badanoo jahligu indho tiray, dareenkooda diineedna aad u daciifay ayaa waxaa uun u muuqda halaalaca nolosha yurub ka jirta,iyo faajo-faajoodka dhalanteedka ah, mana arkaan aayo xumada iyo aakhiro seegga meesha taalla. in kasta oo intii dhug lahayd ee dareentay halista iyaga iyo ubadkooda ku soo fool leh ay soo carareen, haddana ma yara cabaadka iyo qaylo dhaanta soo yeeraysa, ama waxa rag nasakhmay ee laga dayrinayo, ama ubad faraha ka baxay ama haween int a loo sheeko xumeeyay haadaan laga tuuray.
Waxaa hubaal ah in ay dadkaas la bililiqaystay aan loo gurman amaba iyagu laftooda la soo baxsan uu aayatiin madow ku soo wajahan yahay

GEBOGEBO

Wixii ka dambeeyay dagaalkii 77kii ilaa manta waxa Somaliya ka socday waxay ahaayeen qorsheyaal si habsami ah loo fulinayay iyadoo la tiigsanayo ahdaaaf fog fog oo biyo- dhacooduna yahay isir-suulin.Iyadoo Maraykanka oo matalaya saddexda qolo ee shirqoolka degtay ee kala ah xoogagga kirishtada,yuhuudda iyo shirkadaha shidaallada ayuu godobaha ugu badan Somali ka galay ,ayna guudka ka saaran tahay dhammaan wixii Somali qabsaday ha noqdeen wixii dhiig la daadshay oo ay dileen jirridii uu caqliga ka xaday ama Itoobiyaanku xasuuqeen ama isagu diyaaradihiisa iyo maraakiibtiisa dagaalku gummaadeen.Hey’adihiisa sirdoonka ah bay ahaayeen kuwa waddanka si kasta ugu dhex jiray ee Somali bool-bool u kala furfuray.

Waa isaga waxa ka shaqaynaya kala jar-jaridda Somaliya, maantana u ololaynaya hadba inta la gooyo in gooni loo aqoonsado,ulana dhaqma sidii waddamo gaar u taagan.Waa isaga waxa la soo taagan in ay caddaalad darro tahay in toddobaatan malyan oo Itoobiyaan ah ay xeeb la ‘aan noqdaan ,toddobo malyanna haystaan xeebta Afrika ugu dheer.cidnana kama dahsoona in maanta isagu Itobiya dabada ka riixayo, maalinka ay dhacdo in ay u maaro waydana wuxuu soo hor kicidoonaa ciidammo la huwiyay magaca waxa loo yaqaanno UNta . Waa isaga cidda calooshood u shaqaystayaalka Afrikaanka soo hubeeya Somaliyana ku soo daabulaya,kuwooda la laayana magdhowga ka bixinaya.

Waa in qof kasta oo muslim ah meel ku qorto eedaha nala ka galay,jiilalka dambana loo tabiyo si ay ugu beerto cadaawad ma hadho ah.Maraykankuna ha ogaado in la la socdo oo aanay waxba u taraynin magacyada beenta ah ee uu isku qariyo sida dawladda ku meel gaarka ah,beesha caalamka,hey’adaha sama falka,ciidamo nabad ilaalineed, iyo Somali sir –la-luud ah oo u jaajuusa loona bixiyay bulshada rayidka ah.

Ninka gebiga nagu soo dunshow-sow kugaran mayno Dadka somaliyeed waa in ay dareemaan in waxa lagu maagayo uu yahay islaamnimada, kartida iyo maskax furnida Alle ugu deeqay iyo mandiqada xasaaiga ah ee ay deggan yihiin.

Marka waa in cadowgu aanu ku guulaysan
u jeeddooyinkiisa gurracan ee waa in diinta lagu mintido, lagana hortago ummaddan dhulkeedii la dhaxal wareejinayo iyadiina qaxootinimo la badayo oo la gaalaysiinayo.
Waa in maanka lagu hayo waxa Somali maanta meesha xun ee ay taallo dhigay in ay yihiin raggii ay gaaladu soo tarbiyaysteen ee cilmaaniyiinta ahaa,saa darteed,waa in hoggaaminta halggammada soo socda laga fogeeyo.Sidoo kale cidda keli ah ee inta Somali walaalayso,midayso,tubta toosanna ku hagi karta isla markaana cadowgeeda sutida u qaban karta in ay yihiin culimada,taana waxaa marag u ah sawirkii quruxda badnaa ee ay soo bandhigeen muddadii gaabnayd ee ay talada u hayeen gobollo somaliya ka mid ah, inkasta oo dhalliilo jireen.Taas oo horseedaysa in iyagaas si kasta loo garab istaago.

Alle ayaanan ka baryayaa in uu inoo dambi dhaafo, sida xaqa ahna na waafajiyo.

TIXRAACA MAQAALKA

1)qaran jabkii somaliya—aw –jaamac cumar ciise
2)hadimadii gumaysiga—c/qaadir aromo
3)shirqool qaran—xasan cabdi(web.qarannimo)
4)yaa gablami,yuuse good dili?—Dr.c/llaahi Ispanish
(maqaal—faafin.web.somali talk)
5)qorshaha Itoobiya ee ku wajahan Somaliya—warbixin ay soo saartay w/arrimaha dibadda(web.somali talk)
6)tuxfatul-awfiyaa—SH.Ibraahim maax(carabi)
7)Nidaalu-somal-al-qarbi—SH.yussuf Sayid(carabi)
8)Axjaar calaa ruqcati-shadranj—William gye karl.

Qore: Warsame Naaleye Xasan
cirsankayeer@hotmail.com

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga magaciisu ku xusan yahay

XUSUUS QOR (Q-1aad) »

Marka dhibaatooyinku bataan waxaa dhacda in la hilmaamo dhacdooyinkii hore ama laga il duufo in laga dheehdo casharo iyo cibrooyin wax lagu qaato waxaa taarriikhyahanka agtooda caan ka ah odhaahda ah “taariikhdu nafteeda ayay soo celisaa” oo macneheedu yahay in dhacdooyinka taariikhdu ama nolosho ay tahay mid isku xidhan meelo badanna isaga eg inkastoo sabanku kala duwan yahay. Dhinac kasta oo laga eego waxa ka dhacaya geeska Afrika wuxuu aad ugu muuqdaa inuu xidhiidh adag la leeyahay dhacdooyinkii taariikhiga ahaa ee horay loo soo maray, waana ahmiyadda dhaxalka taarikhdu bulshada u leeyahay.
Waxaa lagama maarmaan ah in la saleeyo gundhiga loolanka geeska Afrika dhinacyadiisa kala gedisan iyadoo la cuskinayo makhraatiyaalka cad cad ee waayaha taariikhda. Hadaba, si aan u fahanno xididdada mushkiladda waxaan soo bandhigayaa qiso ay soo arooriyaan inta badan kutubta tariikhda iyo siirada oo uu ugu horeeyo Ibn Hishaan (Alle ha u naxariistee), qisadaas oo nuxurkeedu caddaynayo xidhiidhka u dhexeeya kirishtaanka Xabashida iyo kuwa Yurub inuu ku salaysan yahay diin ay wadaagaan iyadaasna ay isugu hiiliyaan, ayna isugu adeegaan.

Badhtamihii qarnigii 6aad ee miilaadiga waxaa Yemen ka dhacay inuu qabsaday boqor qaatay diinta Yuhuuda oo lagu magacaabi jiray Du Nawaas wuxuuna isku taxalujiyay inuu diinta yuhuuda ku faafiyo dhulkii uu ka talinayay, laakiin waxaa jiray qolyo haysta diinta Kirishtaanka oo degannaa gobolka Najraan (Nasaaraa Najraan). Du Nawaas wuxuu isku dayay inuu dadkaa kirishtaanka ahaa uu ku qasbo inay qaataan Yahuudiyada dhibaatooyin badan ayuuna u gaystay iyo ciqaab iyo tacdiib markii ay ka diideen inay diintooda ka noqdaan.

Culimada qaar ayaa ku sheegay inay dadkaasi ahaayeen qolada uu Ilaahay Quraanka kaga waramay ee (Asxaabul Ukhduud) oo ahaa dad wanaagsan oo Mu’miniin ahaa oo loo ciqaabay inay Ilaahay rumeeyeen dartii, la soco waxaan ka hadlaynaa ka hor dhalashadii Nabigeena (Salallaahu Calayhi Wasalam), marka way noqon karaan dadkii rumeeyay Nabi Ciise (Calayhi Salaam). Si kastaba dadkaas Kirishtaanka ahaa ee uu boqorkaas Yuhuudiga ciqaabay waxaa ka baxsaday nin lagu magcaabi jiray Dows Du Taclabaan oo isagu kaga fa kaday faras dheereeya oo uu lahaa.

Dows Du Taclabaan orodkii iyo cararkii wuxuu ku tagay xaruntii boqorkii Qaysar ee Roomaaniyiinta xilligaa xukumay oo islamarkaas matalayay taajkii Kirishtaanka, wuxuuna Dows uga sheekeeyay Qaysar dhibaatadii gaadhay walaalihiisii kirishtaanka ahaa ee Yemen ku noolaa isagoo ku baroortay kana codsaday inuu gargaar deg deg ah u fidiyo, balse jawaabtii Qaysar, boqorkii Roomaaniyiinta waxay ahayd sidan soo socota:
(Wadankaagu wuu naga fog yahay, laakiin waxaan warqad kuugu qorayaa boqorka Xabashida oo aan isku diin haysanno, isagaana u dhaw waddankaaga).

Kadibna warqad ayuu ugu soo qoray boqorkii Xabashida oo uu ku amrayo inuu u gargaaro Kirishtaanka Yemen ku dhibaataysan. Dows Tu Taclabaan, warqaddii ayuu u keenay boqorkii Xabashida oo islamarkiiba si deg deg ah ugu diyaariyay ciidanka balaadhan oo kutubta qaarkood ay ku qiyaaseen 70,000 oo uu hogaaminayo nin la odhan jiray Aryad, isla ciidankaas waxaa ka mid ahaa Abaraha, ciidankaas xabashida ayaa jabiyay boqorkii Yahuudiga ahaa sidaasna Yemen ku qabsaday waana sababtaas mida ay Xabashidu ku timid Yemen, markii dambe ciidankii waxaa hogaankiisa la wareegay Abraha oo isku dayay inuu Makka ku duulo si uu Kacbada u burburiyo, qisadiisa caanka ah ee Quraanku kaga sheekeeyey (Suuratul Fiil).

Qisadaan waxay ifinaysaa, fasiraadna ka bixinaysaa xidhiidhka diineed ee qotada dheer ee ay Kirishtaanka Xabashidu laleeyihiin kirishtaanka Yurub. Taasoo daaha ka qaadaysa hab dhaqanka siyaasadeed iyo dibloomaasiyadeed ee labada dhinac. Sidaa awgeed, waa inaan fahannaa in calaaqaadka Xasbashida iyo reer galbeedku ay ku salaysan tahay diin oo ah inay Kirishtaan wada yihiin haba kala duwanaato madaahibta kaniisadahoodu.

Qisadaan aan soo sheegnay waa qarnigii 5aad ee milaadiga taasoo muujinaysa inuu jiray xidhiidh ka dhexeeya labada dhinac, waxaadna ka fahmi kartaa jawaabta boqorkii kirishtaanka Roomaanka inuu ka war qabay baqortooyada xabashida ee Kirishtaanka ah isagoo ka dalbaday inay ciidan u dirto Yemen si ay u badbaadiso walaalahooda Kirishtaanka ah. U fiirso Boqorkii Xabashidu wuxuu fuliyay amarkii Boqorkii Roomaanka, waxaa isweydiin mudan Roomaanka iyo Xabashida casrigan miyaysan la mid ahayn kuwii amarka isa siinayay xilligaas laga joogo in ku dhow 14 qarni? Iyadoo waliba xilligan ay sahlan tahay isgaarsiintu oo fogaantii uu Qaysar ku calaacalay ay meesha ka baxday! Waa arin dhugasho iyo dhuuxid mudan.

Axmed C. Aadam
hawadiye@yahoo.com

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga magaciisu ku xusan yahay

Sideen ugu hiilinnaa Nabi Muxamad S.C.W »

Dad aad uliita oo culeys ku ah nolosha oo ay haboonaan lahayd in dhulka iyo dadkuba ka raaxeystaan ayaa caadeystay inay af lagaadeeyaan Nabi Muxamad sallalaahu caleyhi wasallam oo ah qofkii ugu sharaf badnaa intii ilaahay abuuray, layaabna malaha in qof liita wax liita ku hadlo layaabna malaha in inta liidata ee kale ay taageerto ama gabbaad u noqoto wax xil leh ku hadlayaasha, maxaa yeelay shay walba waxaa laga fishaa in loogu tago waxa u dhab ahaan ahaa.
Marka aan sidaas leeyahay waxaan ka hadlayaa si gaar ah jaraa’idka Denmark ee mar kale ku soo celiyay af lagaadadii uu daabacay wargeys ka soo baxa Denmark oo faafiyay sawir gacmeed lagu fool xumeynayo Nabi Muxamad sallalaahu caleyhi wasallam, dhab ahaantiina sida qof walba oo muslim ah uga cadhooday aad baan uga cadhooday in badan bayna calooshaydu ka gubatay af lagaadada foosha xun ee ay isku raaceen jaraa’idka Denmark oo markan dhannaa 17 jariido iyo dadka iyo dowladda Denmark oo muujiyay sida ay u taageersanyihiin danbiilayaasha ama ay raalliga uga yihiin ficilka ay ku keceen.

Haddii aan dhibaatadaas is ag taagay aadna uga hamiyay, waxaa ii soo baxay arrimahan soo socda:

1.aflagadada ay ku keceen dadka aan qiimaha laheyn ee la doonayo in wax loogu dhimo Nabi Muxamad sallalaahu caleyhi wasallam ma aha mid sharaftiisa wax u dhimaysa ama wax lagu yeeli karo maxaa yeelay ilaahay baa kor u qaaday qadarkiisa sida uu quraanka ku yidhi (æÑÝÚäÇ áß ÐßÑß)waxayse arrintani wax u dhimaysaa Muslimiinta iyaga oo maanta dhan wax ka badan hal Bilyan iyo badh aan arrintaas waxba ka qabanin ee intooda badan aad mooddo inayna khuseyninba.

2.Waddankan Denmarka tiradiisa waxaa lagu sheegaa 5,200,000 ayada oo ay ku jiraan dadka Muslimiinta ah ee ladagan iyo waliba ajnaasta kale ee aan Muslimka aheyn waxayna la tahay inay caddahay inayna maanta Nabi Muxamad ku dhiradeen haddii ay wax nool oo wax u dhimi kara ku ogyihiin Muslimiinta, waxaana arrintaas tusaale ugu filan sida ay uga baqdaan inay xataa ku hamiyaan inay ku hadlaan wax ay yuhuuddu dhibsanayso iyaga oo aan adduunkaba ka dhannayn wax ka badan dhowr iyo toban malyan.

Marka aan sidas leeyahay ma inkirsani dadaalka ay muujisay shucuubta Islaamka ahi waxaanse leeyahay ma aha mid u dhigma difaaca uu Nabigu sallalaahu caleyhi wasallam umaddiisa ka mudanyahay in badanna waxaa arrintaas hortaagan nimanka madaxda ka ah maamulada ka taliya caalamka Islaamka ee gaalo ka hadheenka ah ( dadkii isticmaarku soo saaray).

3. dadka cay waxaan ahayn oo ay Islaamka wax ugu dhimaan waayay waa dad aan wax qiyam ah ama mabaadii ah oo ay soo bandhigaan haysanin waana dad fallisay oo caydh ah wax aan caraatan ahaynna jeebkooda ka waayay layaabna malaha maxaa yeelay dadka ku nool Denmark oo ay tirdoodu gaadheyso 5,200,000 afar meelood meel waa qowmu Luud sida ay jaraa’idka Denmark laftoodu daabeceen, waliba waxay ila tahay haddii tiradaas laga saaro inta Muslimka ah ama jinsiyadaha kale ka soo jeedda in kala badh ka badan ayaa qowmu Luud noqoneysa dadka asal ahaan danishka ah, makhaaniid isu tagtayna awalba wax aan gunnimo ahayn lagama fileynin.

4. nimanku xoriyatul qowlka ay xujada ka dhigtaan waa waxba kama jiraan maxaa yeelay kuma dhacaan inay Yuhuudda kirishtaanka ama diin kale wax ka sheegaan mana dhicin inay wax ka sheegaan ee waxaa afcaasha noocan ah u geynaya colaadda gaamurtay ee ay Islaamka u qabaan , sidoo kale waxay arrintani meesha ka saareysaa been abuurka kale ee lagu sheego inay reer galbeedku ogolyihiin kala duwanaanshaha diimaha waxayna soo bandhigeysaa wajiga dhabta ah ee foosha xun ee reer galbeedka ( ÞÏ ÈÏÊ ÇáÈÛÖÇÁ ãä ÃÝæÇååã æãÇ ÊÎÝí ÕæÑåã ÃßÈÑ).

5. lama hayo wax aan muslimiin ahayn oo ka hadlaya aflagaadadaas foosha xun iyada oo shalay waxaan ogeyn daalibaan dunida oo dhami isugu tagtay markii ay sanamkii Buudaa burburiyeen taasina waxay daliil cad u tahay in gaalo iska keen xigo diintey dooniba ha haysatee ayna ku wada faraxsantahay in Islaamka wax loo dhimo.
6. asal ahaan ninka Nabi Muxamad sallalaahu caleyhi wasallam caaya xukun aan dil ahay malaha gaal iyo Islaam midka uu yahayba ha towbad keeno ama ha iska daayee sida uu qarriray sharcigeenneu, sida la arkayna dadka nabiga wax ka sheega sallalaahu caleyhi wasallam silic bay u dhintaan ama saxariir bay ku noolaadaan tusaalena waxaa ku filan gaalkii buurnaa ee Holland lagu dilay Salmaan Rushdi Ayaan Xirsi iyo ninkii sawirada xun daabacay oo maanta meel uu naftiisa geeyo la’.

7. asalku wuxuu ahaa in dadka falkan oo kale ku kaca loo dumo ciidan cirka iyo dhulkaba ka qariya oo gabagabeeya ilaa ay nabiga ku salliyaan sallalaahu caleyhi wasallam sidii ay yeeli jireen muslimiintu markii ay noolaayeen waxaase maanta la gabay in la adeegsado awoodo badan oo wax lagu yeeli karo ayda Nabiga cayday tusaale ahaan haddii Muslimiintu ku heshiin lahaayeen inaan Galaan shidaal ah loo miisin ciddii Nabiga cayday iyo kuwii u garbeeyayba waxaan shaki lahayn inay ka noqon lahaayeen markii ay ku lee’daan barafka ama warshaduhu u kala socon waayaan, arrimaha noocan oo kale ahna waxay ubaahanyihiin dowlado, iyaguna uma soo jeedaan laxowna kuma hayso.

8. in Nabiga loo hiiliyo waa waajib qofkasta oo Muslim ah saaran, Saxaabadii Rasuulkuna iyagaa leebka iyo waranka isaga dhigi jiray sida dhacday maalintii Uxud ninkii aflagaado Nabiga kula kacana seef bay ku aamusiin jireen sida Kacab Ibnul Ashraf iyo Abuu Raafic saxaabi indho la’aana naag uu qabay oo nabiga wax ka sheegtay abley buu caloosha ka taagay ka dibna ku taagsaday ilaa ay dhinaca kale uga baxday nabiguna sallalaahu caleyhi wasallam wuxuu xukumay inaan deero deero u hardiyeynin.

Dadka muslimiinta ah ee maanta noolna waxaa laga rabaa inay Nabiga u hiiliyaan qof walbana uu taagtii gurmado wixii u fududna qabto, run ahaantiina dad badan ayaa dhaqdhaqaaqyo wax ku ool ah sameeyay sida guddiga caalamiga ah ee u hiilinta Rasuulka sallalaahu caleyhi wasallan www.icsfp.com iyo aqoonyahan kale oo isu xilsaaray inay reer galbeedka la xaajeystaan ka dib markii aflagaadadani soo baxday ka akhri farriimaha ay direen mowqicooda www.alattertothewest.com kana qayb qaado saxiixyada halkaas lagu diiwaan galinayo haddii aad luqado badan taqaanana tarjum farriimahaas ka dibna faafi sidoo kale waxaa aad u dadaalay Muslimiinta ku nool Denmark oo kaalin lama illawaan ah ka qaatay u hiilintii Rasuulka jaliyadda Soomaaliyeed ee halkaas deggenna dowr muuqda ayay ku laheyd gurmadka.

Halkanna waxaan ku soo bandhigayaa arrimo aan isleeyahay way fududahay in la hir galiyo saameyntooduna wakhti dheer ayay jiri kartaa waxaana ka mid ah:

1. culimada Soomaaliyeed waa inay fatwo ay u dhanyihiin ka soo saaraan qofkii Nabiga caaya sallalaahu caleyhi wasallam dadka oo dhamina waa inay maqlaan meel kastoo ay joogaanba xukunka qofkii nabiga sallalaahu caleyhi wasallam caaya haddii aynu Soomaali nahayna waa inaan cidhib jarnaa nabi cayga diin cayga malaa’ig iyo ilaahay cayga ay ku kacaan dad ayaan daran oo bulshada inteeda xun ah waana in xuduudada ilaahay ugu tala galay lagu fuliyaa dadka noocaas ah, dhab ahaantiina u maleyn maayo in faraq macno leh u dhexeeyo kuwa maanta sawir gacmeedka Nabiga sallalaahu caleyhi wasallam ku caayay ee gaalada ah iyo kuwa asalkoodu muslimka yahay ee nabiga caaya iyaga oo ciyaar ka dhiganaya meel kastaba ha joogeene.

2. ku dhaqanka diintii uu nabigu inoo keenay sallalaahu caleyhi wasallam iyo raacitaankiisa iyo in la badiyo salligiisa.

3. in dadka loogu baaqo diinta Islaamka laguna wacyi galiyo dhaqankii wanagsanaa iyo raxmaddii Nabiga sallalaahu caleyhi wassalam iyada oo la adeegsanayo aaladaha lagu xidhiidho sida taleefanadda internetka iwm gaar ahaan dadka luqadaha reer galbeedka yaqaanna waxaa u sahlan inay e-group-yada farriimo badan ku diraan sida Face Book ama HI5 arrintaas dad tijaabiyayna faa’iio badan ayay ka soo sheegeen, nin muslim ah ayaa isaguna arkay boodh meel jarmalka ka mid ah lagu qoray ( muslimiintaan necbahay waxaana yuhuudda ka caawiyaa gumaadka ay muslimiinta ku hayaan!!) wuxuuna qoray mid kale oo ay ku taallo Islaamka baro taleefankiisana wuu ku daabacay ka dibna dad badan ayaa sababtiisa ku islaamay waana tusaale ku dayasho mudan.

4. mawaaqicda soomaaliga ah waa inay sameeyaan bogag lagu soo bandhigo siiradii rasuulka qoraal iyo dhageysiba lagagana jawaabo shubuhaadka gaaladu ay furayaan waliba waxaan ku talin lahaa inay muslimiinta soomaalida ah ee reer galbeedka daggan web site-yo arrintaas u gaar ah furaan oo ku hadlaya luqado kala duwan ka diba culimada iyo ducaadda soomaaliyeed ha ka codsadeen inay wax u soo qoraan si ay u daabacaan.

5. in la sameeyo guddiyo rag iyo haweenba leh oo u istaaga u hiilinta Rasuulka sallalaahu caleyhi wasallam lana taageero kuwa hadda jira ee ay muslimiinta kale sameeyeen, arrintaasna waa in loogu talo galo dhaqaale ku filan waana inay doorka ugu weyn ka qaataan soomaalida la daggan reer galbeedka si ay arrintaasi uga khafiifiso danbiga ka dhalanaya la dagitaanka gaalada. Guddiyadaasina waa inay isu taagaan faafinta siirada Rusuulka iyo dhaqankiisii wanaagsana sallalaahu caleyhi wasallam waana inay diyaariyaan qoraallo ku wajahan reer galbeedka iyo muslimiintaba oo lagu faafinayo luqado kala duwan.

6. suugaanyahanka Soomaaliyeed waa inay kaalin muuqata ka ciyaaraan u hiilinta Rasuulka sallalaahu caleyhi wasallam waana inay maansadooda ku diiwaan galiyaan amaanta rasuulka iyo waxa uu mudanyahay ee sharaf iyo karaamo ah.

7. waa in la sameeyaa mailing list-yo si joogta ah loogu faafiyo amaanta rasuulka sallalaahu caleyhi wasallam iyo wax ka mid ah siiradiisii iyo axaadiistiisiiba laguna qoro luqado kale duwan bil walbana ugu yaraan hal mar la faafiyo.

8. mu’tamaraadka iyo shirarka dacwadeed ee lagu qabto Yurub iyo Amerika waa in marar loo gaar yeelaa in lagaga hadlo nabiga sallalaahu caleyhi wasallam iyo waxa uu inaga mudanyahay waxaana ku talinayaa in shirarka xagaagan soo socda lagu billaabo, wadanka gudihiisana waa in sidaas oo kale shirar iyo nadawaad laga qabto si dadka quluubtooda loogu beero jaceylka rasuulka sallalaahu caleyhi wasallam.

9. waa in la diiwaan galiyaa tirada ugu bada ee dad ah laguna saxiixaa farriimo si toos ah ugu socda hay’adaha rasmiga ah ee dowladda Denmark oo lagaga cabanayo aflagaadada aan loo adkeysan Karin ee ay sufahadoodu kula kacayaan Nabi Muxamad sallalaahu caleyhi wasallam waana in la joogteeyaa arrintaas si ay u saameyso dadka go’aanka sameeya ayna u arkaan khatarta kaga imaan karta inay ku sii dhaga adeygaan gardarada ay ku jiraan.sidoo kale qoraaladaas waa in la gaadhsiiyaa midowga Yurub ururada Jaamacadda Carabta iyo Islaamka iwm.

10. waa in la soo saaraa maqaallo iyo cajalado maqal iyo muqaalba leh oo lagaga hadlayo u hiilinta Rasuulka iyo xuquuqdiisa waana in si baahsan loo faafiyaa luqado kala duwanna lugu daabacaa waxaana inta aan ogahay arrintaas ugu hormaray ardayda Soomaalida ah ee wax ku barta jaamacadda Madiina oo ugu yaraan 11 cajaladood mawaadiicdaas ka duubay waxaana kula talinayaa inay cajaladahaas sidii ay u faafin lahaayeen dadaal galiyaan ciddii rabta inay faafisana iyaga ha la xidhiidho.

Intan kaliya ma aha waxyaabaha la qaban karo ee nabiga loogu hiilinayo waxaanse qodobadan u doortay inay fududyihiin dad badanina ka qayb qaadan karaan waxayna ila tahay haddii maskaxda laga shaqeysiiyo in qof waliba uu heli karo qaab u sahlan oo uu Nabiga ugu hiiliyo sallalaahu caleyhi wasallam.

Xasan Maxamad Ibraahim
xasanyare@msn.com

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga magaciisu ku xusan yahay

DHagarta Gaalada iyo DHoohanaantenna (Q-1aad) »

Qormadaydan waxaan ku bilaabayaa magaca allaha naxariista badan ee uunkiisa u naxariista.Nabadgelyo iyo naxariis nebigeenna Allaha siiyo

HORDHAC

Dhibka maanta soomaliya ka taagan iyo balaayada aloosan ee ummaddeenii dhankasta ka saamaysay, waa arrin u baahan in si qoto dheer looga baaraandego, loona baaro halka ay salka ku hayso, isla markaana bannaanka la soo dhigo, lana ogaado cidda dahsoon ee badanaaba waxa dhacaya daaha gadaashiisa ka maamulaysa,dabeedna daawo loo raadiyo mushkiladda jirta.Sidaa darted ayaan maqaalkan u diyaarshay,uguna magacaabay :[Dhagarta gaalada iyo dhoohanaanteenna], maxaa yeelay waxa socda waa shirqool iyo dhagar, cidda waddana ay isqarinayso, iyadoo dadka balaayada loo maleegayana aanay dareensanayn oo ka dhoohanyihiin,sida maqaalka ku cadna waxaan si gaar ah ugu dheeraaday falanqaynta arrinta yahuudda, sababtoo ah iyaga oo leh doorka ugu wayn ee waxyeellaynta ummadda somaliyeed, se qaab aan la dareemi Karin ku shaqaysta. Maqaalkanna waxaan ku soo bandhigayaa :-

1)Baaxadda uu leeyahay dhibka Somali qabsaday.
2)waxa dhibka sababay iyo cidda ka dambaysa.
3)Sababta somaliya loo burburiyay.
4))Qorshihii qarankii somaliya lagu baabi’iyay.
5)Garwaynytii somaliya lagu burburiyay.
6) kaalintii yahuuddu ku lahayd dhibka Somali loo gaystay.
7)Kaalintii shirkadaha shidaalka ee reer galbeedk.
8)Boobka iyo bililiqaysigii ummadda iyo gebagebadii maqaalka.

Mar hadii gaalada isbahaysatay ay somaliya sidaa arxan darrada leh u galeen,cilmaaniyiintii ay soo barbaarsdeenna ay ummadda cadowgeedii u loogeen,cidda sida dhabta ah loogaga fadhiyo wax ka qabashada mushkiladda waa culimada somaliyeed. Qaabka ay wax uga qaban karaanna waxaan ku falanqeeyay maqaalka kan xiga ee aan ku magacaabay:[Mas'uuliyadda culimada iyo mustaqbalka ummadda] Allena waxaan ka rajaynayaa in uu sida xaqa ah na waafajiyo, dadkeennana ku baraarujiyo dhibka lagu hayo,haadaanta lala maaggan yahay in laga tuuro iyo sidii looga badbaadi lahaa.

baaxadda dhibka ummadda qabsaday

Inta aynnaan u banbixin kashifidda cidda aafooyinka soomaliya ka dhacay ka danbaysa . Bal horta horeba aynnu dib u milicsanno inta ay le’egtahay iyo baaxadda ay leedahay masaa’ibta ummaddeenna lala beegsaday.

Waa marag madoonto taliskii milletari ee soomaliya qaran jabkii ka hor hoggaanka u hayay in uu gaystay godobo iyo eedo taariikhda baal madow u galisay, godobahaas oo uu ka galay ummaddii uu talada u hayay,tan ugu weynina ay ahayd sidii uu diinta ula diriray, culimadiina uga dhigay wax la laayo ,kuwa xabsiyada lagu ciqaabo,qayb uu adeegsaday, qaar qurbo naf ka dayay iyo in inta afka la qabtay la yidhi ma hadli kartaan, islamarkaana shacabkii kala dagaallamay diintiisii si ay uga fogaadaan oo aysan ugu dhaqmin. Intaa waxaa dheeraa, gummaadkii shacabka loo gaystay meelkastssa dalka ha ka joogeene.

Dulmiyadaas oo ay mirohoodu noqdeen balaayada manta taagan. Hase yeeshee, wixii dhib iyo kadeed la soo maray ,waxaa Iqarso yiri oo wax ka majiraan ka dhigay masiibooyinkii dhacay qaranjabkii kaddib.

Masiibooyinkaas oo tuba ta kale ka laxawbadantahay. Dagaallo aan dhammaad lahayn ,colaado aan madax iyo minjo toona lahayn, oo meel ay ujeedaan iyo meel ay ka jeedaan toona aan la garanayn ,kullina huwan magac qabiileed.

Colaadahaas geyiga oo idil wada gubay.Mirihii dacarta ka kharaaraa ee laga dhaxlay waxay ahaayeen kuwo murugooyin badan iyo uur kutaallooyin ku reebay qofwalba oo dareen islaamnimo ah leh.Waxay reebeen arrimaha soo socda:

1) Burbur qarannimo iyo maamulkii dawladnimo oo gebi ahaanba meesha ka baxay, ummaddiina kuwa gudaha ku jira iyo kuwa qurbaha joogaba ay la mid noqdeen agoon baylahday oo gun mudatay,cadowgeediina hilib bisil u noqotay.

2) Jirridii iyo qowleesatadii la soo adeejiyayna waxay baabi’iyeen oo cagta mariyeen gebi ahaanba kaabayaashii dhaqaale ee ummaddu lahayd iyo hay’adihii danaha bulshada ka shaqayn jiray.

3) shacabkii oo la kala dilay, lana kala dhex dhigay dhiillo iyo kala irdhoobid, taas oo horseedday in la is noco oo la kala qoqobmo. Iyadoo qoloba edeg yar lagu ooday, looguna magac daray maamul goboleedyo kuwaas oo qabiil ku salaysan.

4) Qiyaas dhowr malyan ah ayaa bara kacay oo qaxay,iyadoo qaarkood waddooyinka gaajo iyo cudurro ugu lee’deen, qeybo kalena silic iyo darxumo ku dilootay xeryaha qaxootiyada ee dalalka deriska ah sida Kenya, Itoobya iyo Yeman ,kuwo kalena waxay maciin bideen oo ay naf ka dayeen dacallada kala geddisan ee dunida, sida Yurub,Ameerika,Ustureliya iyo Asiya.

5) waxaa intaa dheer arrinta aayo xumada ku reebi doonta jiilalka dambe, taasoo ah haraaga suntan nukliyeerka ee geyigan lagu aasay .

6)Qorshaha khatarta ku ah aayaha ummadda ee reer galbeedku maaggan yihiin ee haddaan rag islaam ah oo ka hortaga loo helin aan laga soo waaqsan doonin , kaas oo ah in somaliya laga dhigo kilinka lixaad ee Itoobiya.

Haddaba waxaa is weydiin mudan, waxaas oo dhibaato ah iyo kuwa kale oo aannan halkaan ku soo koobi Karin, oo ummaddeenna lala beegsaday waa tuma cidda baas ee ka dambaysa?
Mise waxaan leenahay: waa arrimo iska dhacay, oo bulshooyinka adduunkuba way soo mari jireen?.

Waxaa hubaal ah in nolosha aysan ka jirin wax iska dhaca,’ wixiise dhaca inkastoo ay qaddar Rabbi ku dhacaan, haddana Allaah subxaanahu wa tacaalaa wuxuu inoo sheegay in nolosha xumaan iyo samaanba wixii dhaca ay sababo leeyihiin.Innaguna waxaa na laga doonayaa in aan sababahaas baarno,oo wixii wanaagsan aan wanaag ku biirinno,wixii xumaan ahna la daweeyo.

sababta dhibka iyo cidda ka dambaysa

Si aynnu u fahamno arrinta gundhigga u ah dhibaatada ummaddeenna haysata, waxaa lagama maarmaan ah in aan garanno in beladan labo dhinac ka soo jeeddo, oo haddii aynnu doonaynno wax ka qabashadeeda waa in mushkilo kasta gaar ahaanteeda loo abbaaro loona dabiibo.Tan hore oo ah mid ummadda lafteeda ka soo jeedda oo iyadu gacanteeda kula timid.Ta labaadna waa mid gacan cadow lagu maleegay oo ay gaalo ka dambayso
.
Mushkiladda hore waxaa gundhig u ah dayicidda loo geystay diinta Alle inoo soo dajiyay, iyo gacan bidixaynta lagu sameeyay. Taana waxaa daawo u ah iyadoo culimadu u sarekacdo in ay bulshada diinteeda barto ,kuna tarbiyayso quluubteedana iimaanka lagu cammiro kaddibna lagu hago tubtaa toosan .

Mushkiladda labaadna ,wuxuu xalkeedu ku soo ururayaa ,in kolka hore daawo dhab ah loo helo dhibaatadaa hore.Sababtoo ah marka bulshadu ay diinteeda si dhab ah u hanato,waxay helaysaa adkaysi ay isaga caabbiso shirqoollada iyo mardabooyinka lala maaggan yahay. In ay shirqoollada u nuglaato iska dhaafee, waxay noqonaysaa bulsho baraarugsan oo wax walbo oo dhanka gaalada kaga yimaadona ku dhowraysa fiiro taxaddar ku jiro.

Inkastoo xalku sidaas yahay, haddana taasi nooma diidayso in aan raadinno cidda dahsoon ee qaska iyo degganaansho la’ aanta ku haysa Somaliya . ogaanshaha arrintaasuna waxay dhalinaysaa in ciddii dareen islaanimo leh , ama danqasho iimaaneed ku dambayso uu u tafoxeyto ka hortegidda dagaalka aanay gaalo u kala hadhin ee ay ku soo qaaday ummaddeenna,iyadoo lagu talo gelayo in la kashifo tabaha kala duduwan ee loo maldaho nacaybka naloo hayo.

Arrimahaas aynu kor ku soo xusnay waxay ina hordhigayaan su’ aalaha ah:
a)Maxay yihiin sababaha Somaliya loo burburiyay ?
b)Muxuuse ahaa qorshihii loo degay baabi’inteeda?
c)Maxayse ahayd garwayntii lagu burburiyay?
Su’ aalahaas jawaabohooda waxay inoo ifinayaaan sirta ka dambaysa waxyaalo badan oo tan iyo qaran jabkii ilaa manta socda.Si su’aasha hore aynnu jawaab waafi ah ugu helno, waxaynu ku khasbannahay in aynnu ka jawaabno su’ aasha ah:gaalada reer galbeedka ahi sidee bay u arkaan jinsiga somaliga,ah? jawaabtuna waxay tahay sidatan:

Gaalada reer yurub tan iyo goortii ay burburiyeen khilaafadii islaamka ee Cusmaaniyiinta waxay si buuxda gacanta ugu dhigeen dalalkii islaamka ahaa oo idil, ilaa mantana ay gumeystaan, iyagoo. qab iyo islaweyni ay dilootay marka ay cunsurka soomaliga ah jalleecaan waxaa hortooda ka muuqanaya ummad saddex arrimood kulansatay,kuwaas oo ah:

1) Iyadoo diintoodu islaam tahay ,gaaladuna u aragto in islaamku uu yahay derbi adag oo ka hor istaagaya gaadhista ujeeddooyinkooda fog fog, iyagoo weliba ay si kasta ugu suurto geli weyday in geyiga soomalidu degto ay diin kale ku tallaalaan.
2) Iyagoo sinjiga soomaaliga ah u arka mid isla weyn oo qab badan si fududna aan u qaayibaynnin gunnimada lala doonayo , sida dadyowga ku hareeraysanna aan oggolayn in uu midiidin noqdo .

3) Iyadoo ummadda caynkaas ah ay deggan tahay dhul aad u baaxad weyn oo fidsan min Soomali- galbeedda Itoobiya loo jajuubay ilaa dhulkii Jamhuuriyadii Soomaliya, ilaa NFDii Kenya loo hibeeyay iyo Jabuutida la faquuqay ilaa jasiiradd Soqadra ee yeman la raacshay . Dhulka baaxaddaas lehna waxaa dhex ceegaaga khayrad nooc kasta leh, ha noqoto dhul-beereed , macdan cayn walba leh, isla markaana haysta xeebta Afrika ugu dheer oo kalluun la ciirciiraysa. Intaa waxaa dheer shidaallada iyo gaaska dabiiciga ah oo shirkadaha shidaalka ee reer galbeedka ahi uu dhareerka uga daadanayo .
Intaba waxaa kasi daran , iyadoo mandiqadoodu ay tahay mandiqad aad istiraatiji u ah, oo waxay kulaalaysaa marin- biyoodka Baabul-mandab ee isku xira badda cas iyo badweynta Hindiya .

Arrimahaas ay ummaddani kulansatay waxay reer galbeedka ugula muuqatay in danahooda ay mandiqadan ka leeyihiin aysan ugu fuleynin sida ay doonayaan,aananna loo aqoonsanayn isla waynidooda. Intaa waxaa ka daran iyadoo shacabkani uu oodwadaag la yahay dawlado kirishtaan ah oo midood markeedii horeba ahaan jirtay imaarado yaryar , oo intay reer yurubku mideeyeen, oo hubeeyeen dhankaastana ka dhiseen u bixiyeen Itoobiya iyagoo isla markaana ku garab galay in shucuub badan oo muslimiin ah ay xoog ku qabsato.

Haddaba , iyadoo waxaasi ay jiraan isla markana dareensan in cunsurka soomaliga ahi yahay cududda ugu firfircoon ee islaamka u matalaysa mandiqada geeska Afrika, ayuu go’ aankoodu noqday in ummaddan loo diido wadiiqa kasta oo ay awood ku yeelan karto. Xeeladaha ay adeegsadeenna waxaa kamid ahaa :-

1) In Soomalida la kala jarjaro oo inta edegyo yaryar lagu kala qoqobo maamullo gaalo oo kala duduwan la kala siiyo.

2) In cagta la mariyo dhammaan dhaqdhaqaaqyada dareen diineed xambaarsan.

3) In dhidibbada loo aaso dhaqanka iyo aqoonta gaalada ee diin la’ aanta ku saleysan, si ay u soo baxaan jiilal aan innaba diintooda aqoon u lahayn, hankooduna dhaafsanayn calool la buuxsho iyo gaalo loo khidmeeyo.

4) In loo sameeyo xisbiyo ay raggaas u taliyaan oo rumaysan waddaniyad iyo qowmiyad somaliyeed oo diin ka qaawan.Iyagoo arrimahaas wax badan ka fuliyay ayaa midoobiddii goballadii waqooyi iyo koonfur ee ay ku sameeyeen Jamhuuriyadii Soomaaliyeed waxay reer yurubka ku beertay cabsi ah in dawladdan cusub ay halis geliso dawladda kirishtaanka ah ee Itoobiya.

Raggii hantay hoggaankii Jamhuuriyadda intoodii ay daacadda ka ahayd mabaadi’dii SYL ee ay ugu muhiimsanayd mideynta soomaali-weyn waxay geed dheer iyo mid gaabanba u fuuleen meel- marinta mabda’aas, taasoo horseeday dagaallo ka dhex dhacay Somaliya iyo Itoobiya, dhiig bandanna ku daatay,dagaalladaasna waxay bannaanka u soo saareen cabsidii reer galbeedku qabeen ee ahayd armay dib u soo noolaadaan colaadihii tan iyo qarniyo soo jiitamayay ee geeska Afrika ka holci jiray kuna salaysnaa diin oo Itoobiya halis gashaa.Ilaa ugu dambayntii uu qarxay dagaalkii 1977kii.

Dagaalkaasina runtii wuxuu saameyn weyn ku yeeshay gebi ahaanba mandiqada geeska Afrika, siiba wuxuu raad aan tirmaynin kaga tegay aayihii ummadda Somaliyeed. Maxaa wacay soomaalida iyo muslimiinta dunidaba iyo dadyawga kirishtaankuba waxaa loo wada arkayay dagaal diineed oo ka dhex aloosan muslimiin iyo kirishtaan. inkasta oo kooxdii muslimiinta hoggaanka u haysay ay ahaayeen cilmaaniyiin aan muslimiinta si dhab ah u matalaynnin. Taasina waxay dhalisay in dalalkii carabta ahaa - in yar mooyee- Bakistaan ilaa Iiraan ay hub iyo dhaqaaleba la garab joogsadeen soomaliya, dhanka kalena ay gaalo oo idil si kasta u barbar istaageen Itoobiya .

Laakin ,quwadihi kirishtaanku waxay indhaha ka qaadeen dawladdii ay hub, dhaqaale iyo dhismo dhinac walba leh ugu deeqeen,una haysteen in ay tahay quwadaha ugu cududda weyn qaarada madow oo barqo cad cagta la mariyay , adhaxdana la jabshay, jeer Mingiste oo ahaa madax- weynihii Itooobiya ee xilligaas uu qaylodhaan hiilo doon ah kula dhex dhacay walalaaliiisa kirishtaanka ahaa, ayna ku dhabowday saadaashiii Dhoodaan markuu lahaa:-

haddii aadan amxaarow—— qarbiga oohin kula yaacin.
Taasina waxaa ka dhashay in la miyir maro xoogaggii kirishtaanka ee markeedii horeba soo dhoodhoobay. Waxaana af-labadiisa daan qaylo la kacay gaalo meel ay joogtaba ,sida Juulyooskii Tanzaaniya, Moygii Kenya,murtadkii Gowan ee Nayjeriya,yahuudigii Kastro ee Kuuba, Kartarkii Ameerika,Butruskii Masar,iyo weliba yurub kuweedii Warso iyo Nato.Waxayna si wada jir ah u qaateen go’aan ah in la badbaadiyo Itobiya iyadoo la dhowrayo ballankii hore loogu qaaday boqorkii xabashida ee Minilik markii 1891kii uu warqad u qortay koox kirishtaan ah oo Barliin ku shiraysay , isagoo ugu beer laxawsaday in dhulkiisu yahay jasiirad kirishtaan ah oo ay dhan walba kaga hareereysan yihiin bad-weyn islaam ah.Si taa loo meel mariyona waxaa amar lagu siiyay Midowgii- sofiyeti ee xilligaas iyo xulafadiisii Warsaw in ay cudud milleteri u adeegsadaan dawladdii Somaliya, ilaa ciidamadii somaliya dib loogu celiyo xad-beenaadkii ay aqoonsanaayeen .Qaran jabkii kaddib, madax- weynihii hore ee Somliya Maxamed Siyaad isagoo Gedo jooga mar la waydiiyay sababtii uu ciidanka uga soo saaray Somali-galbeed, wuxuu sheegay in safiirkii Sofiyetiga uu xafiiskiisa ugu yimid isagoo xambaarsan digniin culus oo uu ku amrayo in ciidamada Somaliya laga soo saaro Somli- galbeed,hal saac kaddibna uu u yimid safiirkii Maraykanka oo isla digniintaas watay. Taas oo ahayd hiillo diineed iyo arrinta keli ah ee xilligii dagaalkii qaboobaa ay quwadihii Warso iyo Nato isku mowqif ka qaateen.

Markii ciidankii Somliyeed dib loo ceshayna waxaaa laga shaqeeyay sidii dawladdaa masiixiyadda ah aysan mardambe halis ugaga iman lahayn dhanka Somaliya.Taas oo macneheedu yahay in Jamhuriaddii Somaliya la burburiyo oo laga masaxo khariidada geeska Afrika..

Kolkii qorshihii milletari la fuliyayna waxaa lagu tillaabsaday barnaamijkii xigay oo ahaa in aan somaliya sheekadeeda dambe la maqlin, kaas oo haddii aanu Alle u sahlin rag islaam ah oo fashiliya ay arrintu noqanayso mid la mid ah ciribtirkii loo geystay Cali-bestinkii Ameerika iyo Aborijinkii Austreliya.

Qorshahaas oo meel marintiisa lahaa labo weji oo is xiga , waxaa hirgelintiisa shafka u garaacday dawladda Mareykanka iyadoo reer-yurubkuna ay ku garab taagnaayeen.

Qorshihii soomaliya lagu baabi’iyay

Mar haddii colaaddu ahayd mid diin ku salaysan ,loona aragsanaa muslimiin iyo kirishtaan mandiqada ku loollamaya , gaaladu waxay isku garabsadeen in muslimiinta somaliyeed shaqo laga qabto. Waxaase ayaan darro noo ahayd in somalidu aysan helin quwad adag oo u soo hiilisa sidii dhacday qarnigii 15aad oo ay hiil ka heleen dawladdii islaamka ahayd ee Cusmaaniyiinta markii xabashidu ay u soo gurmatay dawladdii Burtaqiiska oo ahayd quwaddii ugu xoogga badnayd masiixiyadda xilligaas. Taasina waxay sababtay in somalidu ay u nuglaato oo lagu fuliyio dhamaan qorshayaalkii loogu talagalay .Kuwaas oo ahaa:

1) In qaran Somaliyeedba laga masoxo khariidada geeska Afrika. Taas oo ifa faaleheedii ugu horreeyay uu soo baxay 1993kii, markii waxa loo yaqaan qaramada midowday ay soo saar tay khariidada dalalka afrika oo aysan ka dhex muuqanin Somaliya.

2) In la tirtiro riyadii ahayd dhisidda Somali-weyn oo markii horeba hindisaheedu Ingriisku lahaa isagoo ujeeddo siyaasadeed ka lahaa .

3) In laga shaqeeyo oo la fududeeyo sidii Jamhuuriyaddii Somaliya lafteeda loo hoos geyn lahaa dawladda masiixiyadda ee la rabo in geeska Afrika laga yagleelo. Si taa loo fuliyana waxaa la qaaday tallaabooyinka soo socda:-

a) In la dhiso ururro qabiil ku saleysan oo lagu wiiqo awooddii Jamhuuriyadda,marka ay salka dhulka la heshana isla iyagaas loo adeegsado sidii aysan dawlad dambe u soo noqon lahayn .

b) In shacabka gudaha lagu gubo oo nabad iyo degganaansho loo diido , dhaqalaha ummaddana afka dhulka loo geliyo, iyadoo la adeegsanayo qorshayaal ay dajiyeen hay’ adaha ka shaqeeya masiibooyinka ummadaha sida IMFta iyo waxa loo yaqaan bangiga adduunka oo runtii ah hay’ ado yahuudeed.

c) In la abuuro colaado iyo dagaallo-qabiileed oo dadku isku nacaaan kuna kala dhintaan.Hubkii iyo dhaqaalihii lagu gubi lahaana loo soo dhiibo dhuuni raacyo soomali ah.

d) In sinjiga somaliga ah la gala diriro oo lga fogeeyo diintiisa, iyadoo loo marayo saddex wadiiqo oo ah :-

1) In si toos ah loo gummaado culimada diinta, Xarakooyinka islaamiga ahna la ciribtiro. Maadaama ay yihiin cidda keli ah ee dareensan belaayada ummadda loo maleegayo, lana socota cidda ka dambeysa,weliba ku dhiirrata ka hortegiddeeda.

2) In shacabka laga baabi’iyo akhlaaqda iyo anshaxa iyadoo la adeegsanayo daroogooyinka iyo aflaamta jinsiga ah.

3) In gebi ahaanba ummadda la sal kiciyo, loona qixiyo yurub, arlo gaalo iyo meelo daran,iyadoo danta laga leeyahay ay tahay in ay dhalan rogmaan,oo inta ay ku dhex- milmaan dadyowga loo geynayo ay si fudud u gaaloobaan.

e) Si marka Somaliya Itoobiya loo gacan geliyo hanashadeedu ugu fududaato , in loo qeybiyo ilaa lix maamul goboleed oo qabiil lagu saleeyay , lana huwiyo magaca federal, iyadoo nidaamka federaalka ah loogu talo galay in lagu mideeyo oo lagu maamulo dadyaw kala qawmiyado ah oo luqo iyo diin toona aan wadaagin, kaas oo aan sinaba ugu cuntamin somalida dhinac kasta ka midaysan.

Qofkii u kuur gala qaababkii ay wax u socdeen tan iyo qaran jabkii wuxuu garan karaa in ay ahaayeen bernaamijyo si habsami ah loo fulinayay. Si ahdaafta la doonayay loo xaqiijiyona David Shin oo asalkiisu yahuudi yahay Maraykankuna u xilsaaray arrimaha Somaliya ,wuxuu1993kii aqalka cad ee dalkiisa u diray hindise nuxurkiisu yahay in reer yurubku marki horeba ay khaldameen markii ay oggolaadeen in ay midoobaan labadii gobo lee waqooyiga iyo koonfurta oo ay sameeyeen jamhuuriyaddii somaliya. Saa darteed maanta somaliya loo qeybiyo lix maamul goboleed oo kala ah :

1)Somali- land:oo ka kooban qaybtii Ingriiku gumaysan jiray oo laga jaray goballada Sool iyo Sanaag-bari.

2)Bunt-land:oo ka kooban gobollada Sool,Sanaag-bari Bari, Nugaal iyo waqooyi- mudug.

3)Mid-land:kana kooban ,koonfur mudug, Galgaduud iyo Hiiraan.
4)Banadir-land: oo kakoobanBanaadir, Shabeellada dhexe iyo qeybo shabeellada hoose ka mid ah .

5)Bay-land: kana kooban Bay,Bakool,iyo qeybo shabeellada hoose ka tirsan.

6)Jubba-land:ka kooban labada Jubbo iyo Gedo.

Markaas kaddibna si federaal ah loo hoos geeyo Itoobiya. Sidaa darteed ,wasiirkii hore ee arrimaha dibedda ee maraykanka W.kiristover isagoo dareensiinaya Itoobiya doorka loogu talagalay in ay gudato,wuxuu 11-10-96kii Adis-ababa ka caddeeyay in(dawladdiisu ay ka go’antahay in Bariga Afrika laga dhiso dawlad weyn) taasoo uu ula jeeday in Jamhuriyadii Somaliya, Jabuuti iyo Ereteriya la hoos geeyo Itoobiya. Iyadoo hawsha Jabuuti iyo Ereteriya la dib dhigay mar haddii ay hoos geyntooda Itobiya ay fududahay.Se arrinta dhibka leh ay tahay sidii Jamhuuriyada Somaliya loo raacin lahaa Itoobiya.

Taas bislaynteedana waxaa loo degay qorshe dheer oo ah in ummadda lagu maaweeliyo waqtigana looga lumiyo shirar aan dhammaanayn oo hadba dal loogu qabto, looguna magacdaro(shirar dib u heshiisiineed). Iyadoo shirarkaas saddex Jabuuti iyo Masar lagu kala qabtay mooyee inta kale lagu qabtay Itoobiya iyo Kenya oo ka simman cadaawadda ay soomali u hayaan,isla markaana hey’adaha shirarkaa maal galinaya ay yihiin kuwii Somali adhaxda jabiyay.

Kuwa madasha shirarka la isugu keenayana ay yihiin kuwo afkooda iyo gacmahooduba ka gobo’leynayo dhiigii shacabka somaliyeed.waxaase dib u heshiisiin ugu dhowaa kii Carta lagu qabtay,kaas oo ka soo maaxay maanka madaxdii reer Jabuuti ,kaddib markay dareemeen oo ay u muuqatay qorshaha ay wataan quwadaha kirishtaanka iyo hanka Itoobiya ee ah in goor ay noqotaba ay Jabuuti afka u dhigato. Taana waxay reer Jabuuti tustay in aysan haysan maciin aan ahayn in dib loo soo celiyo qarankii Somaliyeed.Runtii way ku guuleysteen isku daygoodii ,laakiin dawladdii Carta lagu soo dhisay waxaa loo dhigay jillaafo ay la kuftay oo afka dhulka kula gashay. Kii ugu dambeeyay ee Kenya lagu qabtayna wuxuu ahaa midkii lagu gunaanadayay ee lagu soo afjarayay qorshihii Somaliya loogu talo galay.Kaasoo ahaa in lagu dhiso wax dawlad ku sheeg ah oo laga sharciyaysto lagana ansixisto shirqoolkii Somaliya la la maagganaa.Bal ka warran haddii baarlamaan ku sheeggoodu badankood yihiin kuwii Somali hoollaalay,in badan oo kalena haystaan dhalasho dalal gaalo ah oo badankood ay jawaasiis u yihiin? Bal ka warran haddii axdi-qarameedkoodu qodobkiisa labaad si doqon magarato ah u dhigayo in Somaliya ay tahay Kililka lixaad ee Itoobiya.

Oo maxaa dhimman kol haddii iyagii shirqoolka laga ansaxsaday Baydhabo xabsi- guri looga dhigay,dalka intiisii kalena ciidammadii Itoobiya haystaan cidday doonaana siday rabaan u xasuuqaan .Saw gobolladii woqooyi ma maamulo guddoomiyaha ay Itobiya u soo magacaabatay ee magaca safiir lagu qariyay,saw Barina qunsul u taliya looma cayimin.

garweyntii somaliya lagu burburiyay.

Kol haddaynnu soo aragnay aragtida ay gaalada reer yurubku ka haystaan ummadda somaliyeed,aynnuna soo qeexnay waxa ay ugu talo galeen,waxaa marka fudud in aynnu fahamno tabaha gurracan ee loo adeegsaday garweynta somaliya lagu burburshay.taasoo ahayd unkidda ururro qabiileed iyo jabhado ay horboodayeen niman uu maankoodu sakhraamiyay xukun jacayl .Midwalbana inta qol gaar ah lala galay ayaa heeshiis afka baarkiisa ah lala soo saxiixday ,oo inta dhaqaale loo soo dhiibay hubna hagar la aan loo soo siiyay la yiri xukunkii Somaliya gacanta ku soo dhiga.Iyaguna waa wax hoogay oo sheydaan durbaan u tumayo e ,ma baarin ujeeddada laga leeyahay,ismana aysan weydiin ayaan darrada ay dadkooda badayaan marka ay fuliyaan hawlaha loo soo xil saaray.Waxaa uun kaabiga loo soo dhigay kursigii madaxtooyada ,kaasoo ka indhotiray cawaaqib xumada falka ay ku kaceen. Bal u fiirso ayaandarane ina Yussuf yey ,oo loo tiiriyo badanaa guuldarrooyinkii dagaalkii 77kii.wuxuu mas’uul ka ahaa dagaal gelintii ciidankii X.D.S.ee aagga Baali iyo Sidaamo. khayaamooyinkii uu galay waxaa ugu foolxumaa in uu si qarsoodi ah ula kulmi jirey sirdoonkii Itoobiya,Kuubaanka iyo Ruushka,iyagoo ka raariday in uu inqlaabo taliskii jirey. weliba u dejiyay shaxdii iyo tabihii uu afgembiga ku samayn lahaa.laakiin ayaan xumadiisa hashii baa ka dhicisay.

Markuu Kenya u baxsadayna isla raggii shirqoolka la dejiyay ayaa ka daba yimid oo Adis-ababa geystay,iyagoo halkaas ugu soo dhisay jabhaddii SSDF, hiil iyo hoobana kula garabjoogsaday waxkasta oo uu u baahday oo ahaa hub, dhaqale,siyaasad iyo qalab war-baahin.Kaana waxaan waxba ka duwanayn oo ay gaalo soo dirsadeen qabqalayaalkii SNM.ee ururka loogu soo dhisay London..Sidoo kale kuwii USC loogu soo yagleelay Roma,iyo madaxdii SPM.Dhammaan waxay ka sinnaayeen inay cadow qawsaarro u ahhayeen,ururradooduna ahaayeen garweyntii Somali lagu burburiyay. Marka runta loo hadlana si fiican bay ugu shaqeeyeen gaaladii soo dirsatay.Dantii laga lahaana waa laga gaaray.

Madiidani in taliskii jiray uu ummaddii kadeed baday, laakiin garashada fayow,waxay keenaysaa in dhibka jira inta loo sabro si- sida dhacdayba- aan loo mudan dhib ka weyn, maxaa yeeley dawlad xumi dawlad la’aan bay dhaantaa, lagana shaqeeyo sidii wax loo hagaajin lahaa .Ee ma ahayn in cadawgii soo jireenka ahaa ee ummadda la kaalmaysto ,loona soo horkaco burburinta qarankeedii.Mana ahayn in ay shaqayso caqliyadda ah [wallee cadkanaw ama ku cunay ama ku ciideeyay].

bal u fiirso ,markii taliskii jiray uu ku guuleystay kala daadintii jabhaddii SSDF, ee la soo dhisay kuwii kale ee SNM,SPM iyo USC, waxay madaxdoodii heshiis kula soo galeen madaxweynihii Itoobiya ee xilligaa qodobbo ay kamid yihiin:

1)In la rido taliskii Siyaad Barre madaxda u ahaa,ama ugu yaraan awoodiisa la wiiqo,si uusan mar dambe u taageerin jabhadihii Itoobiya ku kacsanaa .

2)In markay awoodda qabsadaan Itoobiya la siiyo marsooyin ay wax u soo maraan,haddii dekedaha Casab iyo Musawac ee Ereteriya ay gacanteeda ka baxaan .

3)In Soomaliya ay ka harto sheegashada Soomali- galbeed .Heshiiska ay raggaasi soo galeen miyeysan tusaynin in ay daba dhilifyo gaalo ahaayeen. Mingestena dantuu ka lahaa wuu ku gaaray, oo waa kii 1991kii meel fagaara ah isagoo dadka reer Itoobiya ugu khudbeynaya, uguna faanay in guusha ugu weyn ee lagu xusuusan doono ay tahay in cadawgii soo jireenka ahaa ee Itoobiya uu jilbaha dhulka u dhigay. Iyagina waa lagu shaqeystay oo xukunna ma qaban , qabiilkood ahna wax uma tarin , illeen markoodii horeba waxay ahaayeen maangaabyo la gatay oo aan dareemin belada ummaddoda lala maaggan yahay ee la rabo in gacantooda lagu fuliyo, waxayna si dhab ah ugu sifoobeen tilmaamihii shaacirku iyagoo kale ka bixiyay, markuu lahaa:
isagoo la kala baayacday …………………. buu boqor is-moodaaye
baguu oran hadduu badhi liqana ……….. baarri buu noqone
haddii nacabkii baabi’in lahaa ……………. beesada udhiibo
ballan qaadna loo raaciyo …………………. iyo biro dhalaalaaya
ujeeddada ma baadhiyo inay …………….. boogi daba taalle
farxad iyo bislaysaa gashoo ……………… wuuba bararaaye.

Mid kastane isagoo burursan ayuu beeshiisii qaylo dhaan iyo tolbeelayey qabiil keennii waa la dulmiyay ,xaqiisiina waa la duudsiiyey kula soo dhex dhacay. Isagoo dantiisa dhabta ahi tahay fulinta muraadkii gaalada.Beelihii ay ka dhasheenna ma aysan dhuuxin hadallada raggani ku beerlaxawsanayaan, mana aysan dareemin in ay yihiin rag cadow soo dir saday , sheekada qabiil ee ay la ordayaanna ay ka tahay uun awr ku kacsi .

ujeedaduse tahay in soomaliya qabiil qabiil madaxa la isugu galiyo, aayatiinkeeduna noqdo in marka hore iyaga la isku jabiyo kuwa soo harana gooni-gooni loo cuno sida saddexdii dibi iyo libaaxa ayna noqdaan sida shaacirku tilmaamay markuu lahaa:
haddii nacab walaalkaa qabtay …………….. oo qaylo kaga yeedhsho
qool-weyn haddii lala dhacay ………………….oo qaarta lagu boobay
qablanki iyo cataawahi iyo haddaad……….qawda sii maqasho
war quud raadso mooyee haddaad…………qaman dhacoon waydo
markii qudh goyso ee dishee ……………………qawrac ugu jiiddo
qormadii uu taagnaa hadday…………………….bawd qalaal noqoto
qudhaadu kolkii ay soo hadho ………………..oo madi ah oo qaawan
qun yar buu awoodaa inuu ……………………….qoorta kaa jaro eh.
In la qorsheeyay in soomaaliya qabiil-qabiil la isugu laayona-sida wax u dhaceen ka sokow- waxaa marag u ah iyadoo aakhirkii sideetannadii caasimaddii Muqdisho lagu qaban jiray doodo iyo aqoon iswaydaarsi ay maal gelinjireen hay’ado gaalo ah, loogana doodi jiray isirka somalida iyo halka ay ka soo jeedaan.Iyadoo loo kala saaray qaar kushitik iyo baantuu ka soo jeeda iyo ku carab ku abtirsada. iyadoo danta laga leeyahay ay ahayd in la muujiyo in somaalidu waxba isugu jirin. iyadoo la iska indha tirayo diintooda si kasta u midaysay ee u walaalaysay, ayna isu yihiin nin iyo seeddigii iyo wiil iyo abtigii.

Sidoo kale Waxaa in la xuso mudan hadal dhab noqday , kaas oo uu dublamaasi carbeed ka jeediyay jamaacaddii ummadda 1990kii oo ahaa: (gaalada reer galbeedku waxay soomaliya u arkaan dawlad muslim ah ,ayna hareereeyaan labo dawladood oo kirishtaan ah oo ka waa weyn, islamarkaana uu ka adag yahay. Taas oo ay liqi la’yihiin,markaa waxay qaateen go’aan ah in soomaliya la burburiyo. Tabta ugu muhiimsan ee ay adeegsadaanna uu noqdo qabiilka).

Runtiina tebinkii uu sheegay ayey noqotay . xaqiiqadiina waxay ku biya shubatay in biiri- qaateyaalkii la soo adeejistay ay sidaas beelohoodii u kiciyeen,ilaa ay waxkasta cagta mariyaan ,iska dhaaf dawlad loo dhiso e, nin walba qabiilkii uu shalay soo kiciyay ayuu dib isugu laabay oo jilib jilib iyo qoys qoys isugu laayay. Marka dawladoodiina burburiye shacabkoodiina barakiciye,heer dadkii la gaarsiiayay in ay cadowgoodii si kasta ugu jabaan ,gaalana sidey doonaan ka yeelaan. Maantana waxaa marag madoonto ah in jabhadihii qabiilka ku saleysnaa ee dalka dacal- ka- dacal colaadaha iyo dagaalada ka huriyay ay ahaayeen kuwo cadow ku shaqaysnayay oo fuliyay ujeedadii gaaladu wadatay oo ahaa isir-suulinta muslimiinta soomaliyeed. Dhibkuna iyaga kuma ekaan ee wuxuu wada saameeyay muslimiinta Bariga Afrika oo idil,maxaayeelay dawladdaas ayay wada dugsanayeen .

Waxaanan af -buuxa ku leeyahay gulufyada Itoobiya ay maanta soomaliya ku qabsatay waxay uun dhammaystir u yihiin dagaalladii jabhadihii hore soomaliya ku soo qaadeen. Taasoo macneheedu yahay in ay ahaayeen dagaallo muslimiinta iyo diintooda lagula dirirayay.

Laakin la soo adeejiyay dhagar qabeyaal xariga Alle gooyay,se nala wadaaga magac,midab,iyo dhiig ,diintana nala sheegta .

haddii xukun jacaylku uu ka indho tiray waxa ay ku kaceen,taasi waxba kama beddelayso dhabta ah in ay midiidin gaalo ahaayeen ,oo ummaddoodii ay gaalo ugu xireen geedkii ay la rabtay,mana dhicin mid iyaga ka mid ah in maamul uu u dhiso tuulo yar oo uu qabsaday. Taa bedddelkeedana waxay shacabkii ku salladeen jirri aan innaba naxariis iyo beer naxa lahayn,hankooduna dhaafsaneyn dhac,kufsi iyo cunista beer walaal.

Qore: Warsame Naaleye Xasan
cirsankayeer@hotmail.com

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga magaciisu ku xusan yahay

Dabaal Dagyada Ciidda Jaceylka »

waa la yaab in maalin walbaa aragno dad muslin ah oo hadan dhagaha ka fureysanaya diinta illaah ka raaliga yahay oo reer magaalnimo mooday caasinta illaah oo raacaya wax aan diinta islaamka aheyn
( ومن يبتغ غير الإسلام دينا فلن يقبل منه وهو في الآخرة من الخاسرين ) ( آل عمران : 85 ) .

Nabigeena Muxamadna si weyn uga digay inaan ku dayano Yuhuud iyo Masiixiyo waxaana muuqata in arintii ay ku socoto siduu Nabiga siiban NNKH horey u sheegay oo dad badan maanta ilbaxnimo moodeen in ay racaan umaddo kale

Aritaasna waxaa si sahlan gacan weyn uga geestay Saxaafada caalami ahaan isu furantay iyo dad dhaqaale xoog leh ku qaata ku faafinta dhaqamada reer galbeedka umaddaha muslinka ah ,haba ugu ugu horeeyaan kuwa loo yaqaan ururada Bulshada ama hey,adaha xuquuqda insaanka

Hadaba waxaan uga gol lee yahay waxaa si aada usoo badanaayo dabaal dagyo ku gaar ahaa reer galbeedka oo ay diin ahaan ama dhaqan ahaan u aamin san yihiin oo loo labisaayo labis Caalimi ah taasoo si sahlan loogu gudbiyay dad muslimiin ah balse aan wax ka garaneynin diinta islaamka.sida waxa loo yaqaan Ciida Jaceylka

Waxaa iga su,aal ah CIIDDA JACEYLKA waa maxay?!Yaase dhaqan ahaan ma diin ahaan iska leh oo xagey ka bilaabatay?!!a

Waaxaa ciidaase lahaan jiray Boqortooyadii Roomaanka xeligii ka horeeyay intii aysan noqon Masiixiyada oo ay ugu dabaaldagi jireen waxa ay u yaqaaneen Jaceylkii illaah,

sidoo kalana markii Masiixiyada dhulkii Roomaanka gaartay waxaa halkiisii kasii socday dabaaldagaas iyo Ciiddaas loo yaqaan CIIDA JACEYLKA hase yeeshee waxey Masiixiyada siiyeen macno cusub oo ah Xuska Shuhadadii Jacelka waxaana jira wax yaabo badan oo khuraafaad ah oo ay aaminsan yihiin.

Waxaana daliil u ah in ciidaas tahay dhaqan ku gaar ah ku aan muslinka aheyn in Boobkii Katooliga uu u doortay 14febraayo noqoto xeliga loo dabaaldagaayo taasoo ku beegan sida ay aaminsan yihiin inuu geeriyooday Baadari ay ku sheegaan inuu Shahiid ahaa oo geeriyooday 14feb270 miilaadiyada ,

soow Boobka illaah uma ah kuwa dabaal dagaayo Ciida Jaceylka maadaama uu u sharciyeeyayweyneynta maalinkaas,illahna waxa uu kitaabkiiisa ku cadeeyay in kuwa ku raaca waxa ay shaciyeeyaan baadariyada ku raaca in ay ka dhigteen illaah

( اتخذوا أحبارهم ورهبانهم أرباباًَ من دون الله )

Waxaa ka mid ah waxyaabaha ciidaan sida gaarka u xiiseeyaan

1- Muujinta farxad sidii in ay ciidaan u tahay oo kale ciid illaah amray

2- Isdhaafsiga ubaxyada

gadgaduudan ama xerashada dhar gaduudan taaso astaan u ah Jaceylkii ay Roomaanku aaminsanaayeen ama xormeynta shuhadada jaceylka sida ay aaminsan yihiin Masiixiyada

3- Faafinta waraaqo hambalyo ah oo ciidaas lagu xusaayo qaarkoodna waxaa ku sawiran suurada wiil yar oo laba baal leh oo sida gamuun iyo qaanso leh taasoo ah astaan kale oo tuseysa caqiidadii mushrikiintii Roomaanka oo ay u yaqaaneen wiilkaas Illaahii Jaceylka

4- Waxaa caan ah maalmahaas is dhaafsi hadalo xambaarsan shukaansi ama gabayo jaceylka ku saabsan,qaarkoodna waxaa ku sawiran naag qosleysa,ama magaca Baadarigii ay aaminsanaayeen Masiixiyada shahiidkii Jaceylka

5- Xaflado iyo dhafrid habeenkaas ayadoo la tumaanayo
Hababa siduu qof Muslin ah ugu dabaaldagi karaa Ciid markeedii hore ka timid Mushrikiintii Roomaanka oo ku weyneen jireen shikigii ay aaminsanaayeena

( إنه من يشرك بالله فقد حرم الله عليه الجنة ومأواه النار وما للظالمين من أنصار ) المائدة/72 .

Ciidaas waxa ay xambaarsan tahay wax uu san caqliga fiyoow rumeysan karin aa ah in Dhurwaa nuujiyay ninkii aasaasay Magaaladii Room

Waxaa kaloo ciidaas asal u ahaa in la goowraco eey maalinta dabaaldageeda iyo waxyaabo kale islmarkaana ku daraan dhiigooda caano oo loogu meyro laba nin oo dhalin yara

Waxaa sidoo kale astaan qofka muslinka ah ku waansamo ugu filan in maalintaas ay tahay maalin la xusaayo Baadari Katoolik ah sidee hadaba muslin ugu banaan tahay ka qeyb galka iyo xuska Ciidaas

Soow la macno ma ah adigoo aaminsan inuu illaah raalika yahay sharcina ka dhigay Ciidaas?,maxaa yeeelay umadda muslinka ah malaha waxa aan laba Ciid aheyn,ciidaasna waxaa asal ahaan iska lahaa Mushrikiin markii dambana waxaa ay noqotay Ciid ay Masiixyda leedahay oo sharci u ah waxaana shareecada islaamka xaaraan ku ah in muslim gaalo isku ekeysiiyo oo uu la Ciiddo,hadii uu kudaydo muslim waxaa ugu yaraan uu ku dhacay dambi weyn haduusanba ku galoobin

( من تشبه بقوم فهو منهم ) ( أخرجه أحمد 2/50 وأبو داود 4021 ) قال شيخ الإسلام : ( هذا الحديث أقل أحواله أن يقتضي تحريم التشبه بهم وإن كان ظاهره يقتضي كفر المتشبه بهم كما في قوله تعالى ( ومن يتولهم منكم فإنه منهم ) ( الاقتضاء 1/314 ) .

Waxaa dhici karta dadka qaar markii ay aqriyaan maqaalkan in ay yiraahdaan waxa uu diidan yahay Jaceylka,arintaasna sax ma aha, jaceylka nimankankaan gaalada ah ku baaqayaan waa in la xalaaleeyo tumashada ee ulama jeedaan jaceyl dhexmaro labada sharciga isku qabtaa

Shareecad islaamka waxa ay si gaar ah uga hadashay raxmada iyo kalgaceylka uu illaah ku dhaxbeeray labada isqabta,waxay kaloo ka hadhay shareecad in dadka muslimiinta ah is jeclaadaan illaah dartiis,waxy kaloo intaas ka hor nagu boorisay in aan illaah jeclaano sidoo kalana rasuulkiisa oon ka sari mariyo jaceylada kale oo dhan

( والذي نفسي بيده ، لا تدخلوا الجنة حتى تؤمنوا ولا تؤمنوا حتى تحابوا ، أولا أدلكم على شيء إذا فعلتموه تحاببتم ، أفشوا السلام بينكم ) رواه مسلم / 54 .

Jaceylka islaamka sheegay wuu ka sareeyaa jaceyl nin iyo naag uun ku kooban ama jaceylka beenta ah ee gabdho badan ku waayeen mustaqbalkoodii aduun

Baraarujin:waxaa badatay waayahan in dadka qaar ku doodaan in ay lagama maar maan tahay in labada isguur saneysaa jaceyl mudo ku wada socdaan oo jaceylka dhabta ah yahay kan ka horeeya guurka arintasna waxaa hubaal ah in maanta dad badan ku baraarugeen oo xataa darasaad lagu sameeyay labada guurka ka hor saaxiibnimo ku wada socotaa hadiiba ay dhacdo in ay ios guursadaan in guurkooda fashil ku dambeeyo 88% oo kuwa ku guuleesta in guri jaceyl kuwada jira ay ka yar yihiin 12%,haka dhanka kale daraasaadkaas cadeeyeen in guurka waalidka iyo gabadha lagala hadlo xaalafda guurka marka go,aankeeda cad yahay uu najaxo ugu yaraan70% sida ku cadaatay daraasad ay sameysay Jaamacada Qaahira

Waxaan ku soo gaba gabeynayaa in wadamada reer galbeedka ee buunbuuniya arintan ku saabsan Ciidda Jaceylka ayba yihiin kuwa ugu daran maanta ee ku tuta xuquuqda haweenka marka xaas noqdaan ka dib oo maah maaha hooda waxaa ka mid ah(maalinta guurka ugu horeysa waa maalinta jaceylka ugu dambeysa) waxa ayna cadeeyeen daraasaad ay soo saareen hey,adaha amniga gaar aahaan wadanka mareykanka sanadkii 1987 79% raga xaasaska leh gaaraacaan dumarkoodaa

Sidoo kalana daraasad uu soo saray Xafiiska mareykanka u qaabilsan daaweyna cudurada nafsiga 17% haweenka soo gala isbitaalada xafiiskaas xaaladaha aadka u daran yihiin dumar ragoodoo dhibaatoo jirdil ah u geesteen

Waxaan xasuusinayaa aqris tayaasha in ay dib u xasuustaan warbixintii ugu dambeysay ee la soo saaray sanaki tagay 2007 maalintii haweenka taasoo ugu yaab badneyd in sadax maalin oo kasta wadanka Farasa qabriga la geeyo qof dumar ah uu gacantiisa ku dilay saaxiibkeed ama ninkeediia

Hadii allaah idmo waxaan maqaal labaad ka soo qori doonaa waxa ay culimada
muslimiinta ka yiraahden ciidaas

waxaa soo diyaariyay calinuur xoogsade
calixoogsade@hotmail.com

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga magaciisu ku xusan yahay

ONLF ma ashahaado la dirir bay noqotay? Qaybta 1aad »

ONLF ma ashahaado la dirir bay noqotay?

Qaybta 1aad

Hordhac

Waxaa la is weydiin karaa maxaa keenay in xilligan arrintan laga hadlo maxaase tooshka loogu ifinayaa ONLF?
Inta aanan u daadagin qormada aan rabo inaan halkan ku soo bandhigo waxaan jeclahay inaan iftiimiyo in aana colaad gaar ah u qabin ururka ONLF, ujeedada qoraalkeyguna ayna ahayn inaan dhaleeceeyo ama aan wax ka sheego, waxaanse qoraalkan uga danleeyahay inuu noqdo naseexo ama hoga tusaaleyn ururku ka faaiideysto waxna ku dhiso.

Dhinaca kale in wakhtigan qoraalkani ku soo beegmo waxay ka danbeysay iska horimaadyo dhexmaray ururka ONLF iyo ururo islaami ah oo ka hawlgala Soomaali gabeed taas oo aan horay u dhicin taariikhdii dheereyd ee ururadaasi ka wada dagalamayeen halkaas, xilliga aan sadaradan qorayana wali ma arag qoraal rasmi ah oo ka soo baxay madaxda ururka ONLF oo ay ku soo bandhigayaan wax xal ah oo dagaalkaas laguu joojiyo, taasina waxay waxgaradka ku culeysinaysaa in qof waliba taagtii gurmado, lagana hawlgalo sidii dagaalka qarxay loo damin lahaa, qoraalkanina qodobkaas ayuu ka duulayaa.

Qormadan waxaan kaga hadli doonnaa hordhacan ka dib: waa maxay waxa dhacay?, ONLF maxaa ku kallifay inay dagaalkan qaaddo?, ONLF maxey dagaalkan ka faaiideysaa?, ONLF maxay dagaalkan ku khasaareysaa?, Sidee loo joojiyaa dagaalka?

Maxaa dhacay?

Ururka ONLF waxaa la aasaasay 1984 Waxaana ilaa hadda madax ka soo noqday C/raxmaan Yuusuf Magan, Sheikh Ibraahim Cabdulaahi Maax iyo Admiral Maxamad Cumar Cismaan oo hadda ururka madax u ah.

Ururku wuxuu si baaxad leh dhaqdhaqaaqiisa gobanima doon u billaabay wixii ka danbeeyay burburkii dowladdii Mingiste, waxayna xubnihiisu ka wada hawlgaleen inta badan dagmooyinka soomali galbeed, wuxuuna ururku markiisii hore xoogga saaray dhinaca siyaasadda, wuxuuna ku guuleystay inuu soo dhiso maamulkii ugu horreeyay ee loo dhiso waxa loogu yeedho (Kililka shanaad), isaga oo taageero ballaadhan ka helayay bulshada deegaanka qeybo ka mid ah oo uu aad u soo jiitay magaca ururka iyo hal ku dhagyadiisa siyaasadeed ee aadka ugu dhowaa dareenka bulshada xilligaas ay Soomaalidu sii kala socotay haybsoocana wax lagu dhisayay.

Ururku markii uu garwaaqsaday inaan wax dan ahi ku jirin inay madax ka ahaadaan kililka macnihiisu ku soo ururay in wakiil gumeysiga looga noqdo bulshada deegaankaas ku dhaqan sida haddaba kililku u shaqeeyo oo la soo taabtay inaan sidaas xornimo lagu gaadheynin, mararka qaarna ay ururka isku dheceen ciidamada gumeysiga wuxuu ururku si toos ah ugu wareegay dhinaca halganka hubeysan 1995kii xilligaas oo ay duurka u bexeen cutubyadii ugu horreeyay ee ka tirsan ururka ONLF iyaga oo wehel u noqday ururkii (Alittixaad) oo xilligaas laba sano ka hor dagaal hubeysan gumeysiga kula sii jiray.

Sidoo kale ururka Alittixaad isaga laftiisu wuu tijaabiyay loolanka siyaasadda wuxuuna xafiisyo ka furtay gobolada iyo degmooyinka Soomalai galbeed intooda badan, waxayna dhinca qoriga u wada beydheen 1992kii ka dib markii xaruntii tababarka Halooye ay ciidamada Itoobiya weerar gaadma ah ku qaadeen, xubno badan oo ay ku jiraan masuuliyiintii ururkaana halkaas ku laayeen. (Alle ha u wada naxariistee).

Mudadaas dheer ee ay labada urur ka wada hawlgalayeen dhulka Soomaali galbeed ma jirin wax colaad ah oo gaadhay gacan ka hadal oo dhaxmartay labada urur ha jirto inay ku tartamaan taageerada bulshada sida dhexmarta laba urur oo kasta oo isku deegaan ka hawlgasha, waxayna keymaha isku martigalin jireen iyaga oo hubeysan, madaxdooduna ku wada haasaawi jirtay, mid walibana midka kale u sheegi jiriay wixii uu is leeyahay waad kaga saxantahay, sidoo kale ma jirin aragti labada urur midkood qabo oo sheegeysa inuu ururka kale ka takhaluso, mararka qaarna waxaa dhici jirtay inay isu hiiliyaan markii midkood cadowgu soo weeraro, arrintaasi waxay waliba si xooggan u muuqatay intii uu ururka sheikh Ibraahin madaxda ka ahaa iyo raggii maamulka la hayay.

Hase yeeshii wixii ka danbeeyay 2004tii waxaa abuurmay kala fogaansho soo dhexgashay labada urur oo dadka qaar ay ku fasireen inay ka dhalatay xiriirkii dhexmaray Ereteriya iyo ururka ONLF taas oo markii danbe gaadhay inay isu baddasho cadaawad muuqata laakiin afka ku ekeyd intii hore, wuxuuna ururka ONLF billaabay inuu xubnihiisa iyo taageerayaashiisa ku wacyigaliyo inay habboontahay inay kaligood goobta u hadhaan qo