Madfac ku soo dhacey suuqa Bakaaraha oo khasaare geystay

Published on March 21, 2008 by   ·   No Comments   ·   print

Madfac laga soo ridey xarunta madaxtooyada sida ay sheegeen ilo wareedyo lagu kalsonyahey, ayaa gordhow oo maanta ah waxa uu ku soo dhacey gudaha suuqa weyn ee Bakaaraha.
2 qof oo rayid ah ayaa ku dhimatey madfaca maanta ku soo dhacey suuqa weyn ee bakaaraha sidoo kale 2 kale ayaa ku dhaawacantey, ku waas oo dhamaantood ka mid ah dad halkaa ku lahaa goobo ganacsi.

Madfacan ayaa ku dhacey suuqa Qudaarta gaara ahaan suuqa hilibka, iyada oo dadkii ku dhintey ay ka mid ahaayeen haweeney halkaa ku laheyd miis ay ku iibiso hilibka, iyo wiil kale oo la sheegay in uu isna ka mid ahaa dadka halkaa ku leh goobo ganacsi.

Arintan ayaa ku soo adeysa iyada oo maanta qeybo ka mid ah jidka wadnaha ay ka dhaceen dagaalo cusul kuwaas oo u dhexeeyey Xoogaga mujaahdiinta Soomaaliyeed iyo ciidamo ka tirsan kuwa DKMG ah oo fariisimo ku lahaa isgoysyada Adan Cadde iyo H/wadaag.

WordPress Plugin Share Bookmark Email

Related posts:

  1. Dhaq dhaqaaqii Suuqa Bakaaraha oo caadi ku soo laabtay
  2. Suuqa weyn ee Bakaaraha oo saaka laga dareemayo xoogaa xasilooni ah
  3. Midowga Ganacsatada gobolka Benaadir oo kulan yeeshay
  4. Dagaal ka dhacey saaka bariga magaalada Gaalkacyo
  5. Xaalada Deegaanka Suuqa xoolaha oo saaka degan

Readers Comments (0)

Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. Dhaq dhaqaaqii Suuqa Bakaaraha oo caadi ku soo laabtay
  2. Suuqa weyn ee Bakaaraha oo saaka laga dareemayo xoogaa xasilooni ah
  3. Midowga Ganacsatada gobolka Benaadir oo kulan yeeshay
  4. Dagaal ka dhacey saaka bariga magaalada Gaalkacyo
  5. Xaalada Deegaanka Suuqa xoolaha oo saaka degan

Latest Headlines