Shabakadda Beerdhiga oo si toos ah ula xiriirtay dhamaan garabyada Mujaahidiinta Soomaaliyeed ee Jihaadka kula jira Ciidamada gumeysiga Itoobiya iyo huwanta kale ayaa Beerdhiga u xaqiijiyay in dagaalkii maanta ka dhacay Deegaanka Suuqa Xoolaha Degmada Heliwaa ee magaalada Muqdisho ay si wada jir ah oo midaysan uga qeyb qaateen.
Ugu horeyn Sarkaal ka mid ah saraakiishii hogaaminaysay Dagaalkii maanta kana tirsan Midowga Maxaakiimta Islaamiga Soomaaliyeed oo diiday in magaciisa la shaaciyo oo ay Beerdhiga la xiriirtay ayaa sheegay in Dagaalkaasi loo midaysnaa isaga oo arintaasi cadaynaya waxa uu yiri “waxaan cadaynaynaa in dagaalkaasi maanta ay galeen walaalaha Mujaahidiinta Soomaaliya khaasatan Muqdisho, iyada oo aan loo kala harin sida 3-da jaanib ee ka dagaalanta Caasimada Midowga Maxaakiimta iyo Al-Shabaab iyo Jabha Al- islaamiya, dhamaantood waa ay u wada dhamaayeen si guud ayay cadowga u wada waajaheen”
Sarkaalka oo hadalkiisa sii wata ayaa intaa raaciyay “Dadka Soomaaliyeed ee walaalaha ee ku xiran website-yada waxaan u cadaynaynaa dagaalkaasi dagaal guud oo si guud ay walaalaha mujaahidiinta u wada galeen in uu ahaa oo uu san ahayn Dagaal khaas ah”.
Dhinac kale Afahayeenka Mujaahidiinta Al-Shabaab Sheekh Mukhtaar Rooboow (Abu Mansuur) oo aanu la xiriiray ayaa dhiniciisa noo xaqiijiyay in si isku duubni ah ay mujaahidiintu uga qeyb qaateen dagaalkaasi isaga oo arintaasi ka hadlayana waxa uu yiri “Mujaahidiinta oo isku duuban iyo shacabka iyo ummadda oo dhan oo isku duuban baa meesha u daatay, inaan magacyo tiriyana waxba ma soo kordhinayso”.
Sidoo kale xiriir ay Beerdhiga la sameysay sarkaal sare oo ka mid ah Jabhada Islaamiga Soomaaliyeed oo ka gaabsaday in la baahiyo Magaciisa ayaa cadeeyay in dagaalkii maanta ka dhacay deegaanka suuqa xoolaha ee ay Mujaahidiintu kula wareegeen xeradii hore ee Maslax uu ahaa mid ay u dhamaayeen dhamaan garabyada Mujaahidiinta Soomaaliyeed isaga oo arintaasi cadaynayana waxa uu yiri “Dagaalkii Maanta ka dhacay Suuqa Xoolaha waxaa si wada jir ah uga qeyb qaatay dhamaan Garabyada Mujaahidiinta Soomaaliyeed ee Dagaalka kula jira Cadowga Itoobiya, illaahay Mahadiina waa nagu guuleeyay”
Dagaalkan ay sida wada jirka ahi uga qeyb galeen Mujaahidiinta Soomaaliyeed ayaa ahaa midkii ugu kululaa in mudo ah oo ka dhaca Muqdisho isla markaana ahaa kii ugu horeeyay oo ay mujaahidiintu kula wareegaan fariisin ay ciidamada gumeysigu Itoobiya ka deganyihiin Caasimada.
Ciidamada gumeysiga Itoobiya ee dagaalku ku qabsaday Deegaanka Suuqa xoolaha ayaa cawaa ku gabal dhacsaday inta u dhaxeysa SOS iyo Ex- control Balcada,iyada oo la maqlayo rasaas goos goos ah.
Dhanka kale warar dheeri ah oo ay heshay Shabakadda Beerdhiga waxay tibaaxayaan in kolonyo ka mid ah ciidamadii laga fara maroojiyay maanta fariisinka xerada maslax ay caawa makhribnimadii gaareen Stadium Muqdisho oo fariisin u ah qeybo ka mid ah ciidamada gumeysiga Itoobiya.

Related posts:
Tags: cadowga Itoobiya, Ciidamada gumeysiga, jabhadda Islaamiga Soomaaliyeed, Mujaahidiinta soomaaliyeed, Muqdisho, suuqa xoolaha