Cutubyo ka tirsan ciidamada gumaysiga Itoobiya oo lug uga soo baxay Stadium Muqdisho ayaa waxaa la sheegay in dagaal aad u xoogani uu ku qabsaday inta u dhaxaysa Saldhigga Yaaqshiir iyo Isgoyska Fagax.
Ciidamadan oo lagu sheegay in ay xoojinayeen kuwa kale ee ku sugun warshadda Baastada iyo Xayle-Bariise ee dagaaladu shalay ku qabsadeen deegaanka Suuqa Xoolaha ayaa abaare 8:30 fiidnimo xilliga Muqdisho waxaa lagala hoos kacay dagaal xoogan kaas oo sababay in ay labo qaybood u kala jabaan sida ay xaqiijiyeen ilo ka agdhaw goobta dagaalku ka dhacay.
Dhanka kale warar dheeri ah oo naga soo gaaray agagaarka Fagax ayaa waxay tibaaxayaan in ilaa 5 Taangi waxyar ka hor ay ka gudbeen Isgoyska Fagax kuwaas oo la sheegay in ay ka soo baxeen Warshaddii hore ee Baastada iyo Xayle Bariise.
Taangiyadan iyo ciidamo badan oo weheliya ayaa waxay ilo xog ogaal ahi xaqiijiyeen in ay u gudbeen dhinaca Madaxtooyada waxaana muuqata ifafaalo ah in ay ciidamada gumaysigu faarujinayaan fariisimada ay ku leeyihii Warshadii hore ee Baastada iyo Xayle Bariise.
Dhanka kale waxaa jira madaafiic ay ridayaan ciidamada gumaysiga Itoobiya oo ku dhacaya qaybo ka mid ah degmada kaaraan iyo Suuqa xoolaha ee magaalada Muqdisho goobahaas oo ka fog dhulka iska hor imaadku ka dhacay ilaa iyo haddana si rasmi ah looma sheegi karo goobaha ay ka soo ridayaan madaafiicdaas.

Related posts:
Tags: , Ciidamada gumeysiga, Isgoyska Fagax, Stadium Muqdisho, Warshadda Baastada
Waa tijaabo
Interesting
Jazaakallaah
akhii