Iska hor’imaad xoogan oo saaka ka bilowdey isgoyska H/wadaag ayaa dib u xogeystey iyada oo rasaas aad u xoogana la is weydaarsanayo.Sidoo kale dagaalka ayaa ku faafey qeybo kale oo ka mid ah jidka Wadnaha gaar ahaan isgoyska aadan cadde.
Inta la arkayey ugu yaraan 2 qof oo shacab ah ayaa ku geeriyootey jidka labaad ee suuqa bakaaraha ka dib rasaas ay soo raaciyeen ciidanka dowlada KMG ah ee fariisinka ku leh isgoyska aadan cadde.
Waxa sidoo kale dhaawacyo aan si rasmi ah loo ogeyn inta ay le’egyihiin tiro ahaan ayaa ku dhaawacantey rasaasta ciidanka dowlada KMG ah soo raacinayaan jidka kowaad iyo labaad ee suuqa bakaaraha.
Dagaalka oo markii hore ku bilowdey si kedis ah ka dib markii ciidamo ka tirsan kuwa dowlada KMG ah ee fariisinka ku leh isgoyska H/wadaag ay bilaaben in ay dhac ka geystaan bakhaar ku yaaley agagaarka isgoyska H/wadaag oo ay leedahey shirkada S-Company.
Ciidamo kale oo ka tirsan kuwa dowlada KMG ah oo ku hubeysan gaadiidka dagaalka ayaa gurmad ahaan u soo gaarey halka uu saaku iska hor’imaadku ka dhacey ee jidka Wadnaha.
Sidoo qeybo ka mid saraha dabaqyada ee suuqa bakaaraha ayaa la arkayey iyada oo ay ku dhacayaan rasaasta ka dhacda qoryada 37-ka oo ay soo ridayeen ciidanka DKMG ah ee ku sugan jidka Wadnaha.
Ganacsiga iyo dhaqdhaqaaqii ka jirey suuqa bakaaraha ayaa hakad galey iyda oo la arkayey dadkii u soo dukaameysiga doontey saaka suuqa oo taagan jidadka dhex mara suuqa iyaga oo ka wardhowraya sida xaalku ku danbey doono.
Wixii warar ah ee ku soo kordhada dagaalka oo wali socda insha allah, kala socda shabakada Beerdhiga.

Related posts: