Xabashi Raacdaysi (Gabay)
By SomaliMirror on 14 Mar, 2008 7:40 PM in Suugaan
Bismillaahi raxmaani raxiim. Maansadan yar waxa allifay Maxamed Xirsi Guuleed. Waxay soo baxday 2007-10-29. Ujeedadu waa in aanu hadafku ka lumin shacabka Soomaaliyeed ee muslinka ah ee iska dhicinaya hororka diin la dirirka ah ee ay la tacaalayaan. Haddana ujeedadu waa in halgamayaasha loo iftiimiyo mawqifka ay iska taagayaan khilaafka ka dhex aloosan kooxda dabadhilifka ah ee reer Imbigaati. Wuxu yidhi:
Marka hore waxaan raacsanahay xabashi raacdayska
Iyo reer Yugaandhaha dulmiga ugu rafiiqaaya
Marka xigana waxan raacsanahay Geeddi rididiisa
Marka xigana waxan raacsanahay tii rabbay noqone
Raran iyo cadaab lagu dul rogo raxanta yey raacsan
Sida Eey rabbaayada kuwaa xabashidow rooray
Ee rugo nabdoonaa ka dhigay goob raq iyo mayda
Rabbigii na uuntiyo kuwaa rixin islaam gooyey
Ee rixiya goortay maqlaan eheludiin riiqday
Reray weeye ay reer galbeed rubucyo siisteene
Raxmaddiisa iyo eebeheen raaxo haw miyo eh
Rah maroodi lagu joojiyoo reeban bay noqone
Ruclo orod ayaa lagu qabqaban way rawaxayaane
Dadkii raacsanaayoow haddeer raajac baa furane
Rabbi tawba dhaha raalligelin Raasiqaa mudane !!
Rayrayni way soo dhawdahay lala rax leeyaaye
Riyadii shacbigu ay qabeen badi run weeyaane
Al-shabaabkii lama raagsanine waa kuwa ridaye
Nimankii rogaal celin ogaa raadki waw baxaye
Waxay rasaasta ugu beegmayaan inaynu raacnaaye
Ha la riixo cadowgeeni wuu sii rawaxayaaye !
Maxamed Xirsi Guuleed
abdibashir@hotmail.com
Daabaco
U dir saaxiib



i believe what somalis are required today is reconcialiation and cessesion of hostilies instead of blaming one onother for the wrong doing, we should be wise and think about the future of our children and our nation one of the best options of achieving this is to implement true reconciliation and forgiveness
by said
said | Jun 21, 2008 | Reply
waa gabay loo baahan yahay oo dadka wax fahmaaya faa’iido badan u leh. Waan u mahd celinayaa abwaanka tiriyay aad ayuuna ugu mahadsan yahay sida uu uga qayb qaadanaayo inuu dhulkeennii hooyo xorriyad helo.
Ahmed | Jul 8, 2008 | Reply