Qaxa magaalada Muqdisho oo ka sii daray
By SomaliMirror on 14 Mar, 2008 6:49 PM in Main, Warbixinnada, Xadgudubyada
Qaxa ayaa ka sii badana sidii uu maal mihii hore ahaa iyadoo dadka qaxa ahi u kala qayb san yihiin qaar u qaxaya xaafadaha magaalada iyo qaar kale oo iyaguna u qaxaya meelaha ku dhow dhow magaalada muqdisho goobahaas oo ay kamid yihiin dhanka ceelasha biyaha oo isugu jira qaar lugaynaya iyo gaar sita gawaadhi ay ay soo food saartay nolol xumi haba ugu sii daraatee dhanka biyaha oo gabaabsi ah alguna kala gadanayo qiimo aad u sareeya iyadoo qaar kalana u qaxyaan agagaarka jaamacada lafoole oo ay ku dhisanayaan
Jiingado ay kaga gabadaan qaboga habeenkii dhacaya balse aysan jirin wax ay ka hadhsadaan milicda maalintii oo aan lagu jiri karin guryaha aysana jirin wax hadh halka geeduhu ka caleen daadiyeen iyadoo lagu jiro xiliga jiilaalka oo ay qoraxddu aad u kulushay.
Waxaa sidoo kale laga deyrinayaa wadada u dhexeysa Afgooye magaalooyinka Marka iyo Shalambood ilaa Qoryooley in dadka rakaabka ah lagu baadho mararka qaarna ay dhacdo in la dilo marka laga qaato waxa ay siteen
halka qaar kale u qaxayaan degaanka calamada oo u dhexeeya Afgooye iyo magaalada Muqdisho iyadoo dadkani ay la wadaagaan degaanada u dhow dhibaatooyin ay ka mid tahay:
1- Caafimaad daro
2- Amni xumo
3- Hoy la’aan
4- Helitaanka cuntada oo cidhiidhi ku jira
5- Cimilada oo aysan wali la qabsan.
6- Shuban biyood la soo dersay ilmaha loo soo qixiyay
Waxayna dadka goobahaas ku sugani si aad ah uga wal wal sanyihiin waxa qabsan kara mar walba taasi oo ay u sii dheer tahay hanjabaado uga imaanaya dhanka dowladda waxaana wareegto uu soo saaray raysul wasaare Cali Max’ed Geedi uu si cad ugu sheegay in dadka goobahaas degani ay kuga guuraan sida ugu dhaqsaha badan hadii kalana ay heleyaan jawaabta ay dowladu ka binayso aritaasi loo hogaansami waayay
Waxaa ilaa isbuucan bilowgii xidhmay dusiyada quraanka iydoo macalimiintu la’yihiin wax soo xaadira xiliga daruusta ay qadan jireen ardayda iyagoo sheegay in ardaydu qaar ka qexeen magaalada qaarka kalana ay ka baqanyaan in hoobiye ku habsado marka ay yimaaadan dugsiga.
Waxaasidoo kale xidhitaanka la wadaaga iskuuladii waxbarashada guud ahaan oo aan la garaneyn xiliga ay dib u bilaabayaan howshooda waxbarasho iyodoo iskuulada qaar kamid ah ayku soo dheceen hoobiyayaal xili habeenimo ah Kadibna si cad loo fasaxay ardaydii.
Sidoo kale waxaa bilowday in ay tuugadu bilowday baadhashada guryaha laga qaxay taasoo sii murjinaysa dadka u qaxaya meelaha fog fog ee niyada ku haya inay soo laabtaan mustaqbalka kuna kalifeysa dadka qaar in ay ku iibiyaan agabkooda qiimo aad u hooseeya marka loo fiiro waxa ay iska gadayaan waxayna si toos ah u sheegayaan in hadii ay alaabtooda ka tagaan laga xadayo ayna sidoo kale ku socoto kirada guriga ayna u dhaanto waxa ay nooliga ka dhiganayaan
Sidoo kale waxa isbadal ku yimid gawaadhida tagaasida ah ee ka dhex shaqeeya xaafada magaalad Muqdisho iyagoo si aan caadi ahayn sare ugu qaaday qiimihii lagu raacayay diidanayna in ay ku geeyaan xaafadaha qaar qiimo kasta oo aad wadatid iyagoo ku fasiraya in ciidamada is ka soo horjeeda u malenayaan unuu basaas u yahay kuwa ka soo horjeeda keeni kartana in laga qaato gaadhigiisa una geystaan jidh dil iyo hanjabado ay ugu sheegayaan inay dilayaan haduu mar kale ku soo laabto wadada.
Waxaa xidhan wadooyinka ay isticmaalayeen gawaadhida basaska ah ee ka dhex shaqeeya gudaha muqdisho iyadoo wadada isku xidha lambar afar(Km4)tagtana isgoyska Cali Kamiin , iyagoo si dhif dhif ah uga dhex shaqaynayay inta u dhexeysa isgoyska Cali Kamiin kana soo rogmanaya isgoyska Balaag sii (Black sea) waxaa sidoo kale xayirada la wadaaga wadada isku xidha Siinaay iyo isgoyska Labar Afar(KM4) waxayna darawadu walaac ka muujinayaan xayiraada ku timid shaqadooda iyo jidkii ay ka shaqaysan jireen laakin waxaa si gaabis ah u shaqaynaya basaska ka dhex shaqeeya deegaanka Suuqa xoolaha ilaa isgoyska Balaag sii (Black sea)iyagoo ka soo romanaya isgoyska Baar ubax.
Iyadoo kuwa u kala gudba isgoyska bakaaraha iyo demada madiina ay marayaan baadhitaan aad u dhib badan marka ay maryaan isgoyska Zobe oo qof qof loo baadhayo gaadhiyadana saf la galinayo iyadoo waxyeelo aad u wayn loo geysanyo dumarka sita nigaabka oo loola tacaamulayo six dhaaf ah oo cayaari ku jirto marka labaadhana ay dhacdo in laga reebto niqaabka ay sidatay.
Balse isbadalka ugu wayni waxa uu ka jiraa basaska yar yar(Caasiga) ee ka shaqeeya inta u dhexeysa Muqdisho iyo degmada Afgooye ayaa iyaguna sare u qaaday qiimaha lagu raaco oo ay ka dhigeen(20,000) labaatan kun malkuu markii hore ka ahaa shan kun waaba hadii la helee taasoo sii xumaynaysa niyada dadka danyarta ah ee u soo shaqo taga subaxdii magaalada Muqdisho una hoyda degmada Afgooye , iyagoo ka soo faaruq taagaya dhanka Afgooye wax rar ahna aysan ka soo qaadeynin taasoo ay ku macneeyeen dadka ka soo qaxaya Muqdisho oo ay ka heleyaan qiimo fiican halka dadka reer Muqdisho ay dheer tahay cabsi iyo dagaal ay filan karaan xili kasta oo ay noqdeen dad dareen ku joog ah aana saadaalin karin waxa uu ku dambeynayo xaalka muqdisho taasi oo muujineysa mustaqbalka sii xumaanaya ee ku soo fool leh bulshada soomaaliyeed
Daabaco

Fikrad ka dhiibo