Nabi qowmkiisii cajabiyay! (qisadii 6aad)

Axmed C/samad

alwaqaar@hotmail.com

Imaam Axmad ayaa Musnad-kiisa kaga wariyay Suhayb in uu yiri: (Nabigu (scw) markii uu tukado wax aanan fahmayn ayuu hoos u akhriyi jiray, mana noo sheegi jirin. Wuxuu yiri -Nabigu (scw)-: (miyaad igu baraarugteen?), waxaanu niri: haa. Wuxuu yiri: Waxaan xusuustay Nabi Nabiyaasha ka mid ah oo ciidan tolkiis ah la siiyay, markaasuu yiri: yaa u dhigma kuwaan? Ama yaa hor istaagi kara kuwaan ama hadal la mid ah.

Waxaa loo waxyooday –nabigii- : tolkaa u door seddex arrimood midkood: inaan ku salidno cadaw aan iyaga ahayn ama gaajo ama geeri. Markaa ayuu tolki kala tashaday arrintaas, markaasay dheheen: adigaa nabigii Ilaahay ahe waxaasoo dhanna kuu yaalaane wax noo door. Markaa ayuu u kacay salaad, markay argagaxaana salaaday u yaaci jireen, markaas ayuu tukaday wixii Alle doonay.

Wuxuu yiri Nabigeenu (scw): ka dibna wuxuu yiri: (Rabbiyow cadaw aan iyaga ahayn maya, gaajana maya, laakiin geeri). Markaa ayaa lagu salladay geeri, markaasaa waxaa ka dhintay todobaatan kun. Hoos u akhriskaygii aad arkayseen waxaan dhahayey: (Alloow awoodaada ayaan ku dagaalamayaa, awoodaadana wax baan ku weerarayaa, xeelad iyo xoog aan adiga ahayna ma lihi).

Faa’iidooyinka Qissada:

1. Dadka waa in loo sheego cilmiga ay u hanqaltaagayaan, lagana jaahil bixiyo dhaqamada ay fahmi la’ yihiin. Waxaa kale oo xadiisku tusayaa sida cibrada looga qaadanayo wixii ku dhacay ummadihii hore. Caaqil waa ninkii ku cibra qaata cid aan isaga ahayn.

2. Rasuulku (scw) wuxuu asxaabta fahamsiin jiray asbaabta taagdarida iyo halaagga keenta, sida: isla cajabida; si ay uga digtoonaato ummaddiisu.

3. Xadiisku wuxuu tusayaa cirib xumada is cajabinta, sida ku dhacday ummaddaan iyo nabigeeda; maxaa yeelay cujbigu wuxuu daciifiyaa tala saarashada Alle iyo cuskashadiisa.

4. Waa sunna Ilaahay in ciddii wax is mooda la tuso xaqiiqadeeda. Asxaabta Nabigeena oo dadka ugu fadliga badnaa nabiyaasha ka dib ayaa ku jabay is cajabinta, sidii ku dhacday maalintii Xunayn waliba Rasuulka (scw) oo la jira.

5. Madaxda, hoggaanka ciidanka iyo maamulayaasha dacwada waa inay ka digtoonaadaan in Alle ku soo dajiyo cuquubada qoladaan ku dhacday oo kale. Waayadaan dambe waxaa caada noqotay in madaxda iyo hoggaamiyayaashu aad ugu faanaan ciidamadooda iyo dadka raacsan, waana khatar weyn oo jab keeni karta.

6. Waxaa dhici karta in sababta balaayada keentay noqoto mid qarsoon oo uusan dareemi Karin qof diinta Alle fahamsiiyay mooyee. Waxaa kaloo dhici karta in balaayadu ku habsato dad wanaagsan oo mujaahidiin ah iyaga oo aan ogayn meesha looga yimid.

7. Waxaa jiray ummado hore oo tiro badnaa oo ay ku jireen mujaahidiin jidka Ilaahay ku dagaalama. Waqti yar ayay qoladaan ka dhimatay todobaatan kun.

8. Qofka muslimka ah waxaa sunno ah in uu salaadda u cararo markii arrin culusi la soo daristo, sida uu yeelay nabigaani, Rasuulkeenana (scw) sidaas ayaa caado u ahayd. Qofkii sidaa yeelana Alle wuxuu mudan yahay in uu haleeshiiyo talada toosan, gaar ahaan hadduu istikhaaro la yimaado, labada rakcadood ka dib.

9. Qofka muslimka ah waxaa saaran inuusan ku deg deign arrimaha kala doorashada u baahan ee uu la tashado dadka ra’yiga leh, taladana uu aad u rogrogo isagoo waliba ducada kaashanaya.

10. Xadiisku wuxuu faa’iidaynayaa haddii qofka ay u sinmaan ama la dooransiiyo dhibaatooyin ama dambiyo (uusan iska wada dayn Karin) inuu dooranayo kan ugu dhibta ama dambiga yar. Tusaale ahaan darawal gaari wada oo ay u simantay inuu jiiro xoolo ama qof wuxuu marsiinayaa xoolaha illeyn iyagaa dhibyare. Dhinaca kale haddii qofka dhawr khayr u sinmaan oo uusan wada qaban Karin wuxuu fulinayaa kan ugu khayrka badan.

11. Geerida waxaa jira waxyaabo badan oo ka liita, garna ma aha si loo noolaado in la qaato wax aan munaasib ahayn. Muhimaduna ma aha in la noolaado kaliya ee waa in loo noolaado si ku wanaagsan adduunka iyo aakhiradaba.

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga magaciisu ku xusan yahay.

www.somalimirror.com

Daabaco Daabaco        U dir saaxiib U dir saaxiib
1 Star2 Stars3 Stars4 Stars5 Stars
Loading ... Loading ...

Fikrad ka dhiibo