Afarreydii Nabaddoon (Dawladnimo)
By SomaliMirror on 14 Mar, 2008 7:29 PM in Suugaan
Afarraydaan waxaan ku muujinayaa qiimaha dawladnimada iyo sida ay ku taabbo gasho ee ay ku hanato rabitaanka dadkeeda. Maadaama dadkeenna inbadan oo ka mid ahi aysan suugaanta aad u fahmin ama waqti u hayn ay kaga bogtaan ayaan waxaan go’aansaday in aan hakiyo gabayadii dhaadheeraa iyo geeraaradii aan tirin jiray. Waxaan soo saari doonaa ama idiin soo gudbin doonaa haddii Eebbe idmo gabayo gaagaaban “Afarraydii Nabaddoon” oo hadba qaddiyad ama arrin muhiim ah aan uga maansoonayo.
“Dawladnimo nin aan garanin baa diido oo naco’e
Dabadhilif ma maamulikariyo kii danayste ahe
Dan shisheeye looguma qunshiyo dawlad kuu colahe
Waa mid diinta lagu aaminiyo dhaqanki duugaaye
Darbi dhaxanta kaa celiya oo kaa dugsiya weeye
Danta guud middii qabata oo aan dayicin weeye
Dadka taan u kala eexanoo debecsan weeyaane
Dalka oo dhan waa tii degtoo laga dambeyaaye
Xudduudaha middii daafacdoon laga dukheyn weeye
Kolkaas baa dadweynuhu aqbali dawladnimadeede
Kolkaas baa dadweynuhu canshuur iyo deeq u siin lacage”
Cumar C/nuur Nuux – Nabaddoon
AFEEF: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga magaciisu ku xusan yahay
Daabaco
U dir saaxiib



Fikrad ka dhiibo