Afarraydii Nabaddoon “Xabashi waa tiiye”
By SomaliMirror on 14 Mar, 2008 7:38 PM in Suugaan
Afarraydaan waxaan ku muujinayaa Xabashi iyo Soomaali xiriirka ka dhexeeya. Maaddaama dadkeenna in badan oo ka mid ahi aysan suugaanta aad u fahmin ama waqti u hayn ay kaga bogtaan ayaan waxaan go’aansaday in aan hakiyo gabayadii dhaadheeraa iyo geeraaradii aan tirin jiray. Waxaan soo saari doonaa ama idiin soo gudbin doonaa haddii Eebbe idmo gabayo gaagaaban “Afarraydii Nabaddoon” oo hadba qaddiyad ama arrin muhiim ah aan uga maansoonayo.
Xuuraansi hoosaan ku helay Xabashi maankeede
Xaglo geel haddaan laysku jebin looma xaal helo’e
Iyaduna xalkaas bay waddaa waana loo xulaye
Xabiib jecel ninkii moodayow Xabashi waa tiiye
Xisaabaad horaa weli ku maqan lagala xaajoone
Xurguftii horaan laga heshiin xeerna loo dhigane
Xudduudihii la beensiiyey baan laga xoreyn toone
Xukunkeeda waataan kun sano xiiso loo qabine
Xalay dhalay maxaa idinka dhigay Xabashi waa tiiye?
Cumar C/nuur Nuux – Nabaddoon
omarabdinur@hotmail.com
Faafin: Beerdhiga.com |20 august 07
AFEEF: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga magaciisu ku xusan yahay.
Daabaco
U dir saaxiib



Fikrad ka dhiibo