Afarraydii Nabaddoon “Qaran & Qabiil”
By SomaliMirror on 14 Mar, 2008 7:34 PM in Suugaan
Afarraydaan waxaan ku muujinayaa dhibaatada qabyaaladdu inoo geysatay iyo sidaan qaran iyo qabyaalad meel u wada geli karin. Maaddaama dadkeenna in badan oo ka mid ahi aysan suugaanta aad u fahmin ama waqti u hayn ay kaga bogtaan ayaan waxaan go’aansaday in aan hakiyo gabayadii dhaadheeraa iyo geeraaradii aan tirin jiray. Waxaan soo saari doonaa ama idiin soo gudbin doonaa haddii Eebbe idmo gabayo gaagaaban “Afarraydii Nabaddoon” oo hadba qaddiyad ama arrin muhiim ah aan uga maansoonayo.
Dugsi male qabyaaladi abwaan qiiralaa yidhiye
Qanjidh weeye aan laga bogsooniyo qabatin sheydaane
Waa qudhun uraayoo dadkeen quud ka dayayaane
Qarniyaal dhan baa nooga lumay qaybta reer hebele
Adduunyada qaxootaan ku nahay laga qisoodaaye
Qiyaamana waxaan eersannaa waa qabyaaladda’e
Qora oo xafida waanadaan qalin ku meeleeya
“Intaad qoomamaysaan dadoow qolo ka waantooba
Oo qaran qabyaaladi hagtaa waa qardhoodhabo’e
Qof waliba waxuu galo waxuu gudo qiimo ugu yeela”
Cumar C/nuur Nuux – Nabaddoon
omarabdinur@hotmail.com.
AFEEF: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga magaciisu ku xusan yahay
Daabaco
U dir saaxiib



haa waa ssaciid sheikh jooga kenya nairob ani gu waan ka xuahay in somaklia ay dhibaato ku sii jirto mana jecli marka waxaana hayaa gabay marka wax iga faafiya ayaan wawayay website iqabciya ayaan waayay oo meeleeya gabaygayga idinku mameelaynayssaan mise wad dayaceeytsaan ok waaw hagaaag mida gabaykuwaa murti ay inaga dhaxli doonaan faca inaga danbeeyndoona qarni15 ee soo socdo jawab ayaan idinka sugayaa bro walalyaalbyeeeeeeeeeeeeeeeeeee
saciid sheikh abdulahi | Jun 24, 2008 | Reply